SAWIRRO: Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo kormeeray xerada Ciidamada Jabuuti.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad oo maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa kormeeray Xerada Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin duleedka Baledweyne.

Gudoomiyaha oo Khamiistii soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa booqashadiisii Baledweyne waxaa ku wehlinayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka (Baarlamaanka Somaliya), Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Golaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad, Taliyaha Ciidanka Amisom, General Cismaan Nuur Subagle iyo xubno ka socday Safaaradda Jabuuti ee Somaliya.

Ujeedada kormeerkan, ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay masuuliyiintaasi u dhiira-gelin lahaayen Ciidamada Jabuuti ee dhameystay hawlgalkooda Somaliya, dhawaana dib ugu laabanaya dalkooda.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ku ammaanay in Somaliya uu u soo diray ciidan aad loo soo xulay.

Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Golaha Shacabka, ayaa goobta ka sheegay in Jabuuti ay gudeyso abaal ay horey ugu gashay Somaliya.

Maxamed Cali Xumad, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, ayaa qiray in waxyaabaha Jabuuti ay u qabatay Somaliya, ay ka weyn yihiin waxyaabihii ay horey Somaliya ugu soo qabatay.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa isna Ciidamada Jabuuti ku ammaanay taageeradooda hagar la’aaneed, ee ay u muujiyeen shacabka Somaliyeed.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa Ciidamada Jabuuti ku sifeeyay kuwo si wanaagsan u dhex galay dadka Somaliyeed, mudadii ay ku sugnaayen Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti, ayaa waxay Gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin Degmooyinka Jalalaqsi, Buula Barde iyo Baledweyne.

Ugu dambeen Madaxda, ayaa billad sharaf ku xardhay Ciidamada Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.