Soomaali iyo Oromo loo soo xidh- xidhay Isku dhacyaddii ku dhaxmaray Xadduuda labada Kilil.

  

Wararka naga soo gaadhayo Dalka Itoobiya ayaa soo sheegaya in Dowladda Federaalka  Itoobiya ay xabsiga dhigtay in ka badan 100 Boqol qof oo isugu jira Soomaali iyo Oromo kuwaas oo loo xidh-xidhay dagaalkii Labada dhinac ku dhaxmaray qaybo ka mid ah Dalka Itoobiya.

Warbaahinta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in la soo xidhay ilaa 98 qof oo u dhashay Qowmiyadda Oromiya iyo ku dhawaad illa 5 qof oo Soomaali ah waxaana la weydiinayaa su’aalo la idhiidha isku dhacyadii Labada dhinac ku dhaxmaray Dalka Itoobiya oo ay ku dhintayn Boqolaal dad shicib ahaa oo aan waxba galabsan.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa sidii loo soo afjari lahaa dhibaatadii ka dhacday Dalka Itoobiya oo saameyn balaadhan ku yeelatay Ganacsiga iyo isku socodka Dalka Itoobiya oo dhamaan curyaamay.

Talaabadan waxay ka dambaysay safaro ay labadda madaxweyne ee kililaadda Soomaalidda iyo Oromaddu marar badan ku tageen caasimadda Addis Ababa loogana soo dhiibay liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad Soomaali iyo Oroma ah oo ku eedeysan qulquuladooyinkii ka dhex dhacay Soomaalidda iyo oromadda oo ah arin siyaasaddeed ay dawladda Itoobiya kolkii horaba ka lahayd isku dhaca.

Liiskan loo soo dhibay Cabdi Iley waxay ku noqon doonta mid xanuun badan sababto ah raga ku qoraan waa ragi oo kililka Soomaalidda qaraabo iyo qabiil ahaan ugu qaybshay in ay xukuman oo maanta loogu sheegey in ay yihiin dambiile yaal la xukumi doono.