Daawo Sawirrada Wadahadal Jabuuti Uga Bilaabmay Maamulka Galmudug Iyo Kan Gobolada Dhexe Ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Waxaa maanta dalka Jabuuti ka furmay wadahadalo u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhaxe ee Ahlu Sunna ee ka arimiya qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

Wadahadalka Jabuuti uga furmay maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaa garwadeyn ka ah Urur goboleedka IGAD , waxaana kulankaasi sidoo kale ka qeyb galaya Ganacsato iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Sida aan Wararka ku helnay Wadahadalka maanta u furmay labada maamul ee Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhaxe ayaa lagu doonayaa in lagu mideeyo ayna noqdaan hal Maamul oo wata magaca Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhaxe ee Kooxda Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa wata shuruudo adag oo hadii loo fuliyo ku ogolaanayo in ay ku biiraan lana heshiiyaan Maamulka Galmudug.

Shuruudaha Ahlu Sunna wadato ayaa waxaa kamid ah in xilal sare ka helaan Maamulka Galmudug sidoo kale xubno ku yeeshaan Baarlamaanka iyo Wasiirada, waxa ay sidoo kale Ahlu Sunna dooneysaa in Caasimada loo soo rarro Magaalada Dhuuso Mareeb.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan kaalin muuqata ku laheyn Wadahadalka dalka Jabuuti uga furmay Maamulka Galmudug iyo Maamulka Ahlu Sunna, waxaana dowlada Dhaxe horey ugu fashilintay in heshiisiiso Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Xafiiska Wararka BooramaOnline
Jabuuti

gal-1gal-2gal-3gal-4