cabudhintii iyo caga-Juglaynti galbeedka Gobolka Sitti oo Xadhkaha Goostay.

Wararka naga soo gadhaya ee deg deg ah ayaa sheegayaa in Magaaladda Cundhufa  laga qafaashay Oday dhaqmeen iyo cuqaal  u dhashay magaalada Cudhufa kuwaas oo aan waxba galabsan wax dhib ahna aan ka gaysan dalka Itoopia iyo deganka ay degan yihiin intaba.

Ismaamulka canfarta oo in muda ahba cadaadis xoogan iyo xadhig aan sabab lahayn ku hayay shacabka Soomaaliyeed ee sida xaq darada ah loo hoos geeyay ismaamulkooda.

Waxaa Maalintii khamiistii la soo dhaafay xabsiga loo taxaabay lix ka mid ah oday dhaqmeedka  Soomaalidda ah oo degenaa magaalada Candhuuf ninka arinkaa ka danbeeya waa ninka lagu magacaabo  Xumad oo isagu ah midka ku suntan iibsada shacabka dhiigiisa.

Odoyaashaas aan waxba galabsan waxaa loo taxaabay  jeel ku yaal magaalada Gawaani,oo ah magaalo ku taal dhulka Canfarta .

Maalintii shalay ahaydna  waxaa loo sii qaaday magaalada Barta oo ka tirsan gabeeleega magaalada Awash oo isla dhulka Canfarta ah. Magacda duqayda xabsiga loo taxaabay waa kuwan hoos ku qoran;

1-Ali Buux Faarax,

2-Faarax Buux Faarax,

3-Xashin Ciye ,

4-Faarax Dirane Buux,

5-Ibraahim Hoosh,

6-Xabiib Ciiltire.