WAX KA OGOW SABABAHA SHIRKADA DP WORLD EE IMAARAADKA CARABTA AY U CURYAAMIYAAN DEKADAHA AY LA WAREEGAAN OO KUWA SOOMAALIYA IYO YEMAN AY KA MID YAHIIN.W/Q CISAAM AL-ZAYAAT

 

Qofna ma necba horumarka, iyo in uu waddankiisu noqdo goob ajnabigu maalgashado. Kaliyase waa marka aysan noqon ciddaasi maalgashanaysa shirkada “DP World”- ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta taas oo meel walba oo ay barroosinka dhigataba su’aal iyo caro ay daba-taal. Taasina waa mid aysan shicibka horumaray iyo kuwa faqriga ahi ba isku khilaafsanayn.

Shirkadan DP World dalka Yeman dhibaato ayay ka kicisay, sidoo kalena dalka Mareykanka ayey dhibaato ka kicisay.

Mudo haatan 20 sannadood laga joogo ayay Imaaraatku garawsadeen in batroolkoodu uusan sii jiri doonin, ciddii batrool kaliya ku tiirsanaatana ay ahaanayaan cid laf-cad toobin ku haysa. Kolkaas ayay bilaabeen mashruucca weyn ee la yiraahdo Dubai Ports World marka la soo gaabiyana lagu magacaabo (DP World).

Toban sano kaddib markii la aassaasay shirkada DP World ayay waxa ay noqotay shirkadda 4-aad ee ugu weyn shirkadaha maal geliya dekadaha caalamka. Laakiin qorshohooda isballaarineed iyo shakkiyada laga muujiyay awgood ayaa su’aashan keenay:

Ujeeddada shirkada DP World ka dambaysa ma in dalka Imaaraatku uu dhaqaalaha la gaar ahaado kaliyaa? Mise ujeeddo-siyaasadeed oo qarsoon ayaa ka dambeeya mashruucan?

“Waxaannu maamulkooda la wareegaynaa dekadaha waaweyn ee caalamka, waxaanan ka yeelaynaa kuwo baaba’a. Markaa si ay dekadaha Dubai u ahaadaan kuwo kaalimahooda hore ugu sii jira, waxaannu baab’inaynaa dekadaha la tartami kara ee dunida. Qiimaha burburinta ayaa marwalba ka yar qiimaha dhisidda ku bixi kara; natiijaduna waxay ahaan in dekadaha Dubai noqdaan lambarka koowaad, kuwa la taratami karaana ay ahaadaan kuwo baaba’a -oo taariikhda uun looga sheekeeyo inay bari jiri jireen. Hase ahaatee in dadka degaannadaas u dhashay loo adeegsadaa burburinta dekadahooda ayaa inoo hawl yar; sidaasi darteed ayaga ayaan hawshaas u xilsaaraynaa.”

Ereyadaas kooban ayaa lagu soo uruurin karaa damaca shirkada Imaaraadka Carabta ee DP World.

DEKEDDA CADAN EE DALKA YEMAN: Dheemman ay shirkada DP World ee Imaaraadka ay Dhulka la Jartay.

Dekadda Cadan waxay ahaan jirtay dekadda 2-aad ee adduunka oo ay doonyaha & maraakiibtu ka sii qaataan shidaalka marka laga tago New York oo iyadu dekadda 1-aad ahayd. Waxay ahayd la tartamaha ugu xooggan, uguna dhow Dubai masaafo ahaan, ee la tartami kartay dekadaha Dubai.

Dekadda Cadan si loo sii horumariyo awgeed ayay DP World la saxiixatay heshiis 25 sano ah Sannadkii 2008-dii. Imaaraatku waxay heshiiskaas saxiixiisa kaliya ay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ku siiyeen lacag gaaraysa 600 million Dollar. Sidaas ayayna DP World ugu guulaystay gacan ku dhigiddii dekadda Cadan.

Waxay DP World markiiba faraha ka qaadday dayactirkii uu u baahnaa qalabka lagu shaqeeyo ee dekadda, waxaana meeshii ka baxay qalabkii xiriirka, taasoo dhibaato weyn ku keentay wada xiriiriddii iyo wada shaqayntii shaqaalaha.

Waxaa haddana xigay sare u qaadid 80% khidmadda soo xirashada doonyaha, taasoo doonyaha uga dhignayd cayrin bareer ah.

Waxay DP World sii gadday qalabkii dekadda ee shaqaynayay iyadoo ku andacoonaysa inay yihiin qalab kharaab ah oo duugoobay oo aan la isticmaali karin. Intaas waxaa sii dheer, waxay si ku talagal hoos ugu dhigtay mushaharaadkii shaqaalaha dekadda, si ay shaqaaluhu ugu khasbanaadaan inay shaqada isaga tagaan oo ay shaqooyin kale u raadsadaan.

Dekaddii Cadan waxay isu beddeshay deked “transit” kaliya noqota, oo ay doonyaha waaweyni ku rogaan konteennarada yar yar, dabadeedna ay uga sii ambabaxaan dekadda Dubai ee Jabal Ali – dekadda ugu muhiimsan dekadaha Imaaraatka (waa sidii la la doonayay e).

Shirkadihii la macaamili jiray dekadda Cadan waxay bilaabeen inay u wareegaan Jabbuuti -oo ay sidoo kale Imaaraatku gacanta ku hayeen.

Arrintaasi waxay keentay kacdoon ay sameeyeen shicibkii Yemen oo ay gaajo ba’ani kasoo gaartay burburkii dekadda Cadan.

Kacdoonkii Yemen ee xilka lagaga tuuray Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax kaddib, waxa uu Wasiirka cusub ee Gaadiidka ka dalbay Imaaraatka inay u hoggaansamaan qodobbadii heshiiska -heshiiskaasoo aan markii horeba waxqabadkiisu ka dhab ahayn Imaaraatka.

Shirkada DP World markay xaaladdu ku xumaatay way isaga huleeshay Cadan oo waa ay isaga baxday. Wasiirkii Gaadiidkase 3 mar ayuu ka badbaaday isku-day dil lagu khaarijin lahaa. Heshiiskii Cadanna halkaas ayuu ku laalmay. Waxaase labada dowladood (Imaaraatka & Yemen) dhexmaray hardan-garsoor, kaasoo uu xaqqu marna Yemen u hiilinayay, marna uu laaluushku Imaaraatka u hiilinayay.

Markale ayayse Imaaraatka dib u gu soo laabteen Cadan, iyagoo ku socda magaca “gaashaanbuurta التحالف”. Awwood ciidan ayayse markaan Cadan kusoo galeen ee xeeladaysi-heshiis kuma aysan iman, balse dekaddii markale waa la wareegeen.

Wixii hadda ugu dambeeyay ee 25-kii Bishii Novembar sannadkan -2017 ka dhacay dekedda Cadan waxa uu ahaa: in Imaaraatku u diideen doon dalka Shiinaha laga leeyahay in ay xammuul ku rogto dekadda Cadan, taasoo keentay in shaqaalihii dekadda uu ka kaco falkaas xun, kuna khasabtay ciidammada “gaashaanbuurta” inay u ogolaadaan doontaasi inay xammuulka rogto.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Waxaa Qoray: Cisaam al-Zayaat

Waxaa Tarjumay: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.

Image may contain: sky, night and outdoor
Image may contain: sky and outdoor