Cali Cabdalla Saalax oo marku dalkiise burburiye Wadahadalo ogolaaday isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo.
Hogaamiyaha falaagada Yemen ee gacanta ku haysa Sanca, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay.
Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada ay ku hayaan.
Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo maalintii 4aad ayuu dagaal khadhaadh ku dhex marayo magaalada Sanca xoogag isaga u daacad ah iyo dagaallamayaasha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto.
Dadka magaalada ayaa sheegaya in dagaal wadooyinka la isku eryanayo uu socdo, ayadoo labada dhinacna uu dareenku aad u kacsan yahay. Waxay kaloo sheegeen in qaraxyo laga maqlayo koonfurta magaalada Sanca oo ay u badan yihiin qaraabada Cali Cabdalla Saalax.
Dagaalka ayaa billwoday Arbacadii markii taageerayaasha madaxweynihii hore ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta inay jebiyeen dhismaha masaajidka magaalada ugu weyn.
“Waxaan ugu baaqayaa walaalaheena deriska ah inay joojiyaan weerarada ayna qaadaan xayiraada, annagana waxaan bedelaynaa bogga.”ayuu Mr Saleh ka sheegay taleefishin uu ka hadlayay.
Madaxweynihii hore ee Yemen waxa uu ku eedeeyay Xuutiyiinta inay weerar cad ay ku soo qaadeen xubnaha xisbiga General People’s Congress.
War ka soo baxay isbahaysiga ayaa lagu sheegay in go’aanka uu gaadhay Cali Cabdalla Salax uu yahay mid horseedi kara rabitaanka shacabka Yemen oo ah in laga xoreeyo maleeshiyaadka daacada u ah Iran.
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa ku tilmaamay warka ka soo yeedhay Salax inuu yahay afgambi uuna cadeystey in uu ka soo horjeedo isbahaysiga uu hore ula galay Xuutiyiinta.
Inkabadan 8,670 ruux ayaa lagu diley halka 49,960 ay ku dhaawacmeen tan iyo markii isbahaysiga uu horkacayo Sacudiga ay taageereen Madaxweyne Hadi ayna soo farogeliyeen dagaaladii ka bilowday Yemen sanadkii 2015.
Xayiraada ay ku soo rogeen Yemen isbahaysiga Sacudiga uu hogaamiyo ayaa sidoo kale sababtay inay dad gaadhaya 20.7million ay u baahdaan kaalmo aadanimo waxaana sidoo kale cudurka daacuunka oo ka dilaacay wadankaas ugu geeriyooday dad gaadhaya 2,211 ruux tan iyo bishii April ee sanadkan.