Dalxiise u dhashay Wadanka Jarmalka oo lagu dilay Xaduudka dalka Itoobiya.

 

Dalxiise u dhashay dalka Jarmalka ayaa lagu dilay waqooyi bari ee dalka Itoobiya, gaar ahaan meel ku dhow Xuduuda ay Ethopia la wadaagto dalka Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in dalxiisahan u dhashay Jarmalka uu la socday Koox Dalxiisayaal ah oo booqanayay deegaanka Buuraha ee Erta Ale Volcano, halkaasoo ah goob caan ku ah dalxiiska.

Koox aan la garaneyn heybtooda ayaa dilay dalxiisahan, halka qof kale oo dhul yaqan ah ay dhaawaceen, Ma cada illaa iyo hada cida ka dambeysay weerarkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay baadheyso dilkan, maamulka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka la geeyay goobta uu falka dilka ahi ka dhacay, halkaasoo koox hubeysan ay ka howl galaan.

Sanadkii 2012 ayay aheyd markii isla goobtan lagu dilay shan dalxiise ah, halka afar kalena la afduubtay, kaddib markii ay dabley hubeysan jidka u galeen.

Weerarkaas ayaa waxaa sheegtay kooxda hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyadda Canfarta ku dhaqan dalka Ethiopia  oo la magac baxday Dhaq dhaqaaqa Kacaanka Dimoqraadiyada Canfarta.(arduf)