Ma dhaba in ay Ethiopia oo joojisay dhismaha dhuun shidaal oo Jabuuti ku xidhi lahayd?

Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in ay ka baxday heshiis ay Sanadkii 2015kii kala saxiixdeen dowladda Jabuuti kaas oo qorayay in Ethiopia ay dhisto dhuun shidaalka qaadda oo Dalka Itoobiya geysa noocyada kala duwan ee shidaalka.

Masaafada Dhuunta shidaalka ayaa lagu sheegay in ay gaadheyso 550KM,waxaana dowladda Ethiopia sheegeysaa in ay u joojisay dhaqaale xumo darteed.

wargeyska the Reporter. oo ka soo baxa  Dalka  Ethiopia ayaa  sheegay in uu wareystay sarkaal ka tirsan Dowladda Itoobiya una sheegay in dowladda aysan bixin karin lacag ka badan $1.5 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Sarkaalkaas oo aan maaciisa la shaacin ayaa  sheegay in dowladda Ethiopia ay dhameystirtay dhismaha Waddada Tareenka ee Jabuuti iyo Ethiopia,waxaana ay sheegtay in beddelka kaalinka shidaalka ay Tareenka adeegsan doonto.

Dhismaha Waddada Tareenka ayuu sheegay in ay ku baxday $4 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,kaas oo badeecadaha kala duwan ka soo qaadaya dekadaha dalka Jabuuti geynayana Itoobiya.

Tareenkan ayaa waxaa uu qaadi doonaa shidaalka kala duwan sida diesel, gasoline iyo shidaalka diyaaradaha,waxaana uu xusay in dowladda Itoobiya go’aansatay kordhinta adeegsiga Tareenka.

Shidaalka Ethiopia ay dibadda ka soo dhoofsato ayaa gaadhaya 3.8 Milyan Mitirik kuubtan,waxaana uu sanad kasta sare u kacayaa 10%,sida ay sheegtay warbixinta The Reporter.

Xilligan ka hor Itoobiya Shidaalka ay adeegsato waxaa ay Jabuuti kaga soo qaadanjirtay Gawaadhida waaweyn,ilaa bardhamaha Itoobiya waxaana ku bixi jiray qarash aad u farabadan oo culays ku ahaa dalka Ethiopia.

Docda kale haddi warkan run noqto waxay dharbaaxo wayn ku tahay barnaamijyaddi horumarineed ee dhalaan habaabista u badnaa ee ay dawladda jabuuti ku faani jirtay dhowrkii sanne la soo dhaafay.