DEG DEG: Madaxweynaha Turkiga oo Hogaamiyeyaasha Islaamka isugu yeedhay magaalada Istanbul.

Madaxtooyada Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegtay in uu iskugu yeedhaayo hogaamiyeyaasha dowladaha ururka Iskaashiga Islaamka si loo qabto shir madaxeed degdeg ah oo ka dhacaya magaalada Istanbul kuna saabsan go’aanka Mareykanka ee arrimaha Qudus.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shir madaxeedkaan looga doodi doono qorsha Mareykanka ee ku saabsan inuu shaaciyey Qudus inay tahay Caasimadda Isra’iil.

Ibraahim Golen ayaa yidhi “ Mgaalada Qudus waa karaamada Umadda Islaamka waana arrin kawada dhaxeysa, waana qad Cagaaran marka loo eego Turkiga, waxaan ugu baaqayaa Washinton inay Sidegdeg ah ay uga laabato qaladka ah in Qudus ay tahay Caasimadda Isra’iil”.

Madaxweynaha Turkiga ayaa arrintaasi isaga oo ka duulayo ayaa waxaa uu la xidhiidhay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dunida Islaamka waxaana ka mid ah wadamada uu la xirdhiidhay Malaysia, Tunisia, Saudi Arabia,Qatar,Iran Pakistan iyo Indonesia si arrinta Trump looga hadlo go’aanna looga gaadho.