Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Aqalka Cad Oo Ku Dhawaaqay In La Shaybaadhayo Caafimaadka Madaxweynaha MaraykankaTrump. 

12. Dezember 2017/in WARAR/NEWS /von admin

 Guriga Cad ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sannadka foodda innagu soo haya ee 2018 ka geli doono shaybaadh caafimaad oo lagu eegayo fayaqabka maskaxdiisa, natiijada ka soo baxdana lagu dhawaaqi doono.

Afhayeen u hadashay Guriga Cad oo lagu magacaabo Sarah Huckabee Sanders ayaa shirjaraa’id oo ay qabatay jimcihii dorraad ka sheegtay warkan oo sida la filayo jawaab u ah warar ay warbaahintu aad isula dhexmaraysay oo wax ka sheegaya xaaladda caafimaad ee maskaxda madaxweynaha. Waxa aana hadallada afhayeenka ka mid ahaa, “Waxaa jira shaybaadh caafimaad oo la qorsheeyey in uu maro bilaha hore ee sannadka soo socda, waa shaybaadhis dhammaystiran oo madaxweyneyaal badan oo Maraykan ah lagu sameeyey”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa intaas ku daray in Trump uu Shaybaadhkan iskaga qaadi doono Xarunta Qaranka ee caafimaadka milateriga oo lagu magacaabo Walter Reed. Waxa aanay afhayeenku ballanqaaday in natiijada shaybaadhku isla marka ay soo baxdo dadka loo faafin doono.

Tan iyo xilligii uu Trump ku jiray ol’olaha doorashada madaxweyninimada Maraykanka ee uu kaga adkaaday Hilary Clinton waxaa jiray xeeldheereyaal caafimaad oo ku doodayey in aanu caafimaadka maskaxdiisu gaadhsiisnayn intii saxda ahayd. Dooddaas oo aad loo soo hadalqaaday markii dhowaan khalkhal aan qarsoonayn laga arkay markii uu dhowaan Madaxweyne Trump jeedinayey khudbaddii uu kaga dhawaaqay go’aankisia aha in magaalada Barakaysan ee Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa maalintaas la arkayey isaga oo kelmado badan si qaldan ugu dhawaaqaya, laakiin Sarah Huckabee Sanders oo arrintaas la weydiiyey ayaa si cadho leh u sheegtay in ay su’aalaha noocaas ahi ‘macne darro’ yihiin, waxa aanay ku doodday in sababta madaxweynaha ku adkaysay ku dhawaaqista ereyada qaar ay ahayd hunguriga oo yara qallalay, “Wax aan intaas ahayni ma’ay jirin’ ayaa ay tidhi haweenayda afhayeenka ahi.

Dhinaca kalana waxaa hore u jiray dood la xidhiidha caafimaadka maskaxeed ee ganacsadaha Maraykanka u taliya, taas oo ka dhalatay nidaamkiisa cunto qaadasho. Corey Lewandowski oo ahaa madaxii ol’olaha doorashada madaxweynaha ee Donald Trump ayaa buug uu soo saaray ku sheegay in ‘Trump uu si aad ah u jecelyahay cunista Haambeegarka ay samayso shirkadda caanka ah ee McDonalds, isla markaana ay dhacdo in uu cashada oo keliya afar xabbo ka cuno’ ficilkaas ayaa ah mid aan looga baran qof da’da Trump ah oo weliba barwaaqo ku kor dabaqadda sare ka soo jeeda ah, iyada oo weliba la ogyahay in uu miisaankiisu ka badan yahay inta dabiiciga ah. Waana sababta ay dad badani ula noqotay in cuntadaas badan ee uu cunayaa calaamad u tahay in aanay maskaxdiisu fayoobayn.

Waxaa xusid mudan in Trump uu kursiga Madaxweynaha sannadkii 2017 ka ku qabsaday da’da 70 jirka, sidaasna uu ku noqday madaxweynihii ugu da’da weynaa ee qabta kursiga madaxweynaha Maraykanka. Si kastaba ha ahaato ee Trump isaga waa uu is diidsiiyaa da’da, mar uu xilligii ol’olaha ka hadlayeyna waxa uu ku andacooday in marka uu muraayadda isku eego uu arko, ‘Nin 35 sano jir ah’

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/12/donald.jpg 183 276 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-12-12 16:23:262017-12-12 16:23:26Aqalka Cad Oo Ku Dhawaaqay In La Shaybaadhayo Caafimaadka Madaxweynaha MaraykankaTrump. 

raadin

warki u dambeeyey

  • Itoobiya Oo Masar ku Eedeysay Inay Xasilooni Darro ka Abuureyso Soomaaliya.
  • Ururkii ONLF oo Rayaale Xaamuud u Doortay Gudoomiye iyo qayb kale oo waxba kama jiraan ku sheegtay Doorashadda
  • Al Fanaan maslax Middeeye oo si xirfadaysan uga hadlay heesti ruxdday quluubta ummadda islamka ah.
  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.
  • Sideed (8)Arimood Oo Trump Ka Sheegay Somalida Intii Uu Xilka Hayay.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

FADEEXADDA KA TAAGAN IIBKA SAWIR-GACMEEDKA CIISE MASIIXI EE AMIIR SALMAANKA... Daawasho Haboon suuq cusub oo ah Nuuc aan wali soo marin oo Jabuuti laga Fu...
Nach oben scrollen