Waa kuma Wasiirka Ugu Da`ada Yar Wasiiradda Madaxweyne Muuse Biixi .

Eng.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid waxaa dhalay Maxamuud Caateeye Farrid oo ka mid  ahaan jirey Askarti Ingriiska ee la odhan jirey Askarta Ilaalada ka dibna soo maray maayeerkii magaala xeebeedka Lughaya oo ku dhashay Eng Cabdiqani  waa aqoonayahankii shalay loo magacaabay wasiirka Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ,waana wasiirka ugu da`ada yar wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Muuse  Biixi Cabdi ,waa 36jir somalilander ah kana soo jeeda deegamadda Saylac waxaanu ku dhashay Hargeysa aqoontiisa dugisaga hoose dhexe ilaa sare waxaa ku qaatay dalka ,halka aqoonta jaamaceedna uu wax ku soo bartay Dalka dibadiisa ,waxaanu ka soo baxay Degreegiisa kowaad ee Jamacadeed Telecommunication Engineering ee Sudan  Academic for engineering ,halka degree giisi labaadna uu ka qaatay culuumata  maamulka iyo maareynta ee MBA Jaamacadda Kampala Universty Uganda .

Eng.Cabdiqani Caateeye waxaa uu Maamul qeybeed ka ahaa shirkadda Somtel ka ahaa muddo saddex sanadood ah (NOC)Network operating center Manager ,waana aabe labba caaruur ah leh ,wiil iyo gabadh.Wasiirkan ayaa noqonayaa wasiirkii ugu da`ada yaraa ee dalka soo maraa tan iyo waagii u horeysay ee Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga.talaabadan ayaa waxay dhalinyaradda aqoonyahanka reer Somaliland u noqonaysaa dhiirigalin iyo in ay u hanqal taagan jagooyinka u sareeyasa dalka waana mid ay abaal buuxa ugu hayndoonaan  madaxweyne Muuse Biixi.