OROMADDA MA SOOMAALIBAA GUUMAYSAN JIRTAY AMA HADA GUUMAYSI KU HAYSA OO AY KA XOROOBAYSAA MAXAA KEENAY XUMAANTA INTA LEEG?

Marka aan u fiirsano dagaalada isdaba jooga ah ee ay oromadu ku soo qaadayso deegaanada soomaalida ee ay jaarka yihiin waxaad moodaysaa in soomaalida ay colaad dheer oo taxana ah ay ka dhaxaysay.
Sida aan wada ognahay dagaalada ay ku qaadayso oromadu gobolka liibaan,faa-fan,siti iyo dhamaan dadka deeganka oromada kumanaanka sanadood ku noolaa ee intooda badani aynan aqoonin Af-soomaaliga.
Waxaa shalay ka dhacay meesha la yidhaah Gaadulo,Haroorayti iyo Mustareex xasuuq balaadhan oo dadka ku dhintay kor u dhaafayaan 100 qof.
Goobta la yidhaah Gaadulo inta aan magacdooda maqalsanahay dadka lagu xasuuqay ee la Gowracay waxay kor u dhaafayaan 60 qof oo u badan dumar,Caruur iyo Waayeelo dadkaasi waxay Aagaa ku noolaayeen boqolaal sano.
Gaadulo waxay ku taalaa Gobolka hawegudina ee Oromiya qiyaas ahaana aan aad uga dheerayn Majaara.
Meesha Haroorayti la yidhah waxay Oromadu ku Gowraceen 90 qof oo Rag u badan. Kuwaas oo beeralay ahaa
Mustareex waxaa lagu dilay rasaas 7 qof oo xoola la joogtay.
Liiska magacda dadka lagu xasuuqay Gaadulo iyo Haroorayti waa kuwan hoos ku qoran
1. Mahdi Hassen
2. Ibrahim Hassen
3. Cumar Ibrahim
4. Carab Ibrahim
5. Deeq C/raxman
6. C/qadir muxumed Nuur iyo islaantiisa iyo 8 caruura uu dhalay
7. Cabdi tula cabdilahi
8. Cabdikarim Ibrahim
9. Xasan cabdiraxman
10. Maxamud cabdiraxman
11. Ibrahim cabdiraxman
12. Axmed Amiin
13. Amiin Aw-cabdi
14. Maxamud wali
15. Markhadleh maxamud
16. Cabdi wahab sh-yusuf
17. Maxamed cabdi wahab
18. Axmed nuur cali shakur
19. Cabdi majiid dool
20. Maxamed muxumed
21. Maxamed maxamud aw-macalin
22. Zaynaba maxamed dool
Dhanka kale meel u dhaw Magaalada Ma’ayso oo la yidhahdo kulmiye waxaa aqal magaladas ka mid ah lagu tuuray Bambo gacmeed rasaasna ooda ayaa lagaga qaaday nasiib wanaan afar qof ayuu dhaawac ka soo gaadhay.
Meesha la yidhaah Hulaa Boore waxaa lagu weeraray niman la joogay geel waxaana halkaas lagu dhaawacay 3 qof.
Geeli laga qaaday goobaha la yidhaah Biila iyo Qandaraas oo ka tirsan Degmada Erer iyo Afartii dhalinta ahayd ee Geela la joogtay midna wali lama hayo .
War hada nasoo gaadhay wuxuu sheegayaa in lagu Gawracay 35 qof meesha la yidhaah Dhaaba, meesha kale ee la yidhah Kortu waxaa sidoo kale lagu Gawracay 16 qof
Wixii war ah ee soobiira dib ayaan idinku soo sheegi doonaa..
Soomaliddu waa inay ka Midawddo dhibka iyo dagaalka sookay.