Warar Goos-Goos ah Maleeshiyaad Oromo Ah oo Boqolaal Geel ah Ka Dhacay Shacabka Soomaali galbeed Ee Gobolka Sitti.

Wararka naga soo gaadhaya gudaha Soomaali Galbeed gaar ahaan gobolka Sitti ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad Oromo ah oo ka amar qaata kooxda OPDO ay hanti ka dhaceen meelo kamida gobolka Sitti gaar ahaana Biile, Garmaan iyo tuulooyin kale oo u dhaxeeya magaala Cad iyo Erer.

Maleeshiyaadkan ayaa waxay ka dhaceen tuulada Biile 116 neef oo geel ah waxaa kale oo ay afduubeen 5 wiil oo soomaali ah kuwaasoo ilaa iyo haatan aan la ogayn meesha ay geeyeen.

Waxaa kale oo ayada laga dhacay tuulada Garmaan 150 Awr oo ay lahaayeen shacab Soomaali ah, maleeshiyaadka Oromada ah ee amar qaata kooxda OPDO ayaa waxay weerar joogta ah ku hayaan dad shacabka ah ee aan waxba galabsan, shalay ayay ahayd markii aan idiin soo tabinay in ay  dad shacab ah  lagu xasuuqay aaga bal balayti kuwaas oo ay xasuuqeen maleeshiyaadka Oromadu.

Kooxdan Maleeshiyaadka ah ayaa waxay fuli hayaan shirqoolkii tigrayga oo ah in la iska horkeena labada qoomiyadood ee soomaalidda iyo Oromadda si ay xukunkooda usii cimri dheeraystaan.

Maahan markii koobaad ee maleeshiyaadkan ay weeraro noocan oo kale oo isugu jira dil, dhac, iyo qafaalasho ay u gaystaan shacabka soomaali galbeed oo awalba la daalaa dhacaayay dhibaatooyinka uu ku hayo Taliska Tigreega  Itoobiya.

Weerarka lagu dhacay geela reer Sitti waxaa weerarka Oromadda hoosaasiyey ciidanka loo yaqaan Makakaliyaha oo ah ciidan u habaysan sidda Booliska oo la dhex dhigey Soomaalidda iyo Oromadda iskuna sheega in ay nabad galyadda ilaaliyaan laakiin loo arko in ay Oromadda uu fududeeyeen weerarka lagu qaaday Geela laguna adfuubay wiilashii geela la joogey.