Daawo qaar ka mid ah shaqsiyaad odhan jiray beesha ciise waa Qoxooti oo maanta Shaadhka badashay.(Sawiro)

Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Mud Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta hadhimo sharafeed ku maamuusay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin iyo Gandaha khayraha beesha ciise.

Waxaana hadhimo sharafeedka Ugaaska ku wehelinayay Gendaha beesha Ciise iyo madaxdhaqmeed kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal.

Madaxwayne kuxigeenka JSL Mud Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa ugaaska iyo gendihiisa uga mahadnaqay ka soo qaybgalkii Madashii Caleemo-saarka Madaxda Somaliland, waxana intii kulankan hadhimo sharafeedka ah uu socday labada dhinacba ay ku dheeraadeed, ahmiyada uu dhaqanku u leeyahay bulshada iyo sidii qaybaha kala duwan ee bulshooyinka gobolka Awdal loo diirigalin lahaa inay gacmaha is qabsadaan kana qayb qaataan hormarka dalka.

Dhinaca kale Ugaas Mustafe ayaa ka mahadceliyay martiqaadka uu madaxwayne kuxigeenku u fidiyay, waxaxan uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa Somaliland.