Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo war ka soo saaray dadkii lagu gumaadday deegaanka Oromadda.

20. Dezember 2017/in WARAR/NEWS /von admin

  

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay dadkii maalmo ka hor lagu gumadday deegaanka Oromada Itoobiya, kaddib markii loogu galay xero ay gabaadsadeen oo ay lahaayeen Booliska.

Dadka la laayay oo ahaa Soomaali ku noolaa deegaanka Oromadda ayaa ka badan lixdameeyo ruux, iyadoo xabaal wadareedyo lagu aasay 64 ruux la soo saaray, halka kuwa kalena la baadigoobayo, si tirada rasmiga ah la isugu uruuriyo.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Cabdixim Cigaal Cumar ayaa sheegay in la isku qaldayo dadka la laayay iyo isku dhacii xuduuda, isagoo xusay in dadka hada la laayay ay ahaayeen dad degenaa Badhtamaha deegaanka Oromada, isla markaana aanay wax shaqo ah ku laheyn waxyaabihii ka dhacay xuduuda labada deegaan.

Waxaa uu sheegay in dadkaas aanay waligood arkin deegaanka Soomaalida, isla markaana aanay luqada Soomaaliga xataa aqoon, balse dhiiggooda uu Soomaali ahaa, qarniyo ka hor degenaa, isagoo tilmaamay in dadkaas muddo afar bilood la cunaqabateeyay, markii xiisada bilaabatay.

Madaxweyne kuxigeenka DDSI ayaa sheegay in dadkaas markii cabsi soo wajahday ay gabaad u aadeen Saldhiga Booliska Oromadda, halkaasna loogu tagay lana xasuuqay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu tilmaamay in 64 ruux oo meydad ah laga soo saaray xabaal wadareedyo lagu aasay, isla markaana ay baadigoobayaan meydad kale, si ay tirada rasmiga ah ee lagu laayay deegaanka Oromadda u xaqiijiyeen, waxaana uu qiray in tirada ay intaas ka badan karto.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu xasuuqa dhacay uu u saaray Guddi, isla markaana baadhitaan uu socdo, waxaana uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay raadinayaan xuquuqda dadkii la laayay iyo sidii cidii ka dambeysay sharciga loo horkeeni lahaa.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray isku dhacyo u dhaxeeyay Qowmiyadaha Soomaalidda iyo Oromadda ee ku nool Itoobiya, waxaana isku dhacyadaas ku dhintay dad fara badan, iyadoo ay ku barakaceen boqolaal qoys.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/12/Cigaal.png 805 1064 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-12-20 22:12:132017-12-20 22:12:13Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo war ka soo saaray dadkii lagu gumaadday deegaanka Oromadda.

raadin

warki u dambeeyey

  • Basaaska weyn ee reer Falastiin M Daxlaan oo lagu arkay geeska Afrika
  • Ismacil Cumar Gelle Oo Markii 5aad Musharax ah Iyo Mucaaradka Oo Ku Dhagan.
  • Djibouti Iyo Saamaynta Xaaladda Cusub Ee Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya.
  • FALASTIIN VS SITTI DHIILLO JOOGTA AH OON CIDI U DHAG DHIGAYN
  • Dawladda Itoobia oo ku faantay in dishay madaxdi Tigreega ugu tunka wayna.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Daawo Ciidamada Cirka Sacuudiga Oo Hawada Sare Ku burburiyey Gantaal Nooca Ridada... Daawo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaalada oo si Rasmi ah ula Wareegey Xilka...
Nach oben scrollen