Beesha Ciise sidda Beeshan Jidwaaq mawqifkeeda iyo waxaa ka maqan ma cadaysan kartaa?

Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa dhamaan tacadiyada iyo xadgudubyada ka socda maamulka deegaanka Soomaalidu dagto ee Itoobiya kuwaas oo ay beel waynata Jidwaaq la kulmaysay 5tii sano ee ugudanbaysay.

Dhinaca nabadgaliyada:

Beeshu iyadoo ah beel ku suntan Nabad ayna ku wayntahay wada noolaanshaha iyo daris wanaagu ayay beeshu wajahday xadgudubyadan hoos ku qoran.

1- Waxaa la xidhxidhaa dhalinyaro iyo odayaal aad u badan iyadoo ayna gaysan wax danbi ah loona marin xoriyad ka qaadkooda nidaamka ku cad sharuucda wadanka.
2-Waxaa lagaraacaa ama la ciqaabaa shacabka iyadoo uu mamnuucayo dastuurka itoobiya.
3-Waxaa la handadaa ama loo caga jugleeyaa shacabka iyadoo ayna wax danbiya galin haadiiba loo arki inay ka xunyihii dhibaatooyinka ka jira deegaanka.

Dhinaca musuqa iyo boobka hantida umada iyo tan shaqsi ahaan gaar looleeyahay

Waxaa kajira Deegaanka musuq baahsan iyo boob hantiyeed oo ay fulinayaan ama ay fududaynayaan koox cayiman oo uu gacanta u galay maamulka deegaanku.
1- Waxaa la musuqmaasuqaa miisaaniyada loogu talogalay howl fulinta xafiisyada
2- Waxaa qaybiyaa Qandaraasyada Deegaanka iyadoo aan loomarin wax tartan Cadaalad ku salaysan waxaana lasiiyaa dad aan haysan wax shatiyo ah ama aan lahayn Awood ay ku fuliyaan mashruuca ay qaateen.
3- Waxaa laboobaa hantida dadku gaar u leeyihiin iyado lagu sheegayo dan guud wax magdhow ahna aan laga siin dadkii lahaa.
4- Waxaa laga xoogaa dadka maatida ah guryahooda iyadoo lagu amrayo inay ka guuraan ama dhistaan ama cidkale lasiinayo
5- Waxaa lagu sameeyaa dadka reer guuraaga ah barakac iyadoo lasoo dajinayo beelo kale lana barakicinayo cidii ay daaqsinka iyo beeraha u ahayd.

Dhinaca siyaasada.

Siyaasada deegaanku waxay gacanta u gashay koox yar oo isku hayb ah oo ku bahowday xaafad hoose, awooda deegaanku 79% waxa haysata xaafad hoose oo aan dhanay 0.6% ee umada ku dhaqan Deegaanka (reer cali yuusuf) tanina waxay keentaty:

1- In deegaanka ayna ka dhicin wax doorasho loogu yeedhi karo
2- In dad aan lahay khibrad iyo karti waxqabad oo hal shaqsi soo xulay (Cabdi Cumar) lagu soo ururiyo baarlamaanka si ay isaga ugu sacabo tumaan( yes man people)
3- Waxaa lagu xadgudbay xuquuqdii in qofka wax dooran karo lana doorto iyadoo shacabka loo yeedhiyo qofka ay dooranayaan.
4- Gudiga garsoorka iyo golihii baarlamaanka deegaanku waxay noqdeen lataliyaal ka mid ah xafiiska madaxwaynaha waxaana is ku dhex milmay golihii fulinta, golihii sharcidajinta, gudigii garsoorka iyo maxkamadihii geedgaanka oo ah hal qof(cabdi Moxamuud Cumar)
5-Waxaa lumay oo aan jirin Anshixii iyo shaqankii hufanaa ee ay lahaayeen ciidamada booliiska deegaanka iyadoo dadka kula kaca falal aad u foolxun. Waxay  ku maneen dhaca iyo kufsi dumarka soomaalida.
5- Waxay ku tuntaan xuquuqdii aasaasiga ahayd iyo tii dastuuriga ahayd ee shacabka ay ahayd inay ka ilaaliyaan nabad galyadooda oo ay ka difaacaan nabad diidka iyo cadawkale ee jira.
6- Waxaa is ku milmay Nabadiidkii ONLF iyo ciidamada booliiska deegaanka. Iyadoo horay qariga loogadhiibo Dhalinyaradii iyo saraakiishii nabad diidka ahayd iyadoo aan wax dhaqan celina loo samayn lana barin dastuurka iyo shuruucda u dagsan Shucuubta Itoobiya.
7- Waxaa laxidh xidhaa ama ladilaa ehelada dadka nabada jecel ee ku nool qurbaha. Iyadoo lagu xad gudbayo  xuquuqul insaanka
8- Waxaa la kala faquuqay qurbajoogta Deegaanka iyadoo loo eegayo qabiil.
9-Waxaa meel looga dhacay xuquuqda xoriyada hadalka iyadoo cidii isku dayda inay talo bixiso ama wax saxdo laxidho, hantidiida lala wareego ehelkiina la dhibaateeyo.

Dhinaca dhaqaalaha:

Maamulka deegaanka waxaa kajira cunaqabatay dhaqaale heerkasto oo bulshada gaadhay.
1-Waxaa cunaqabatay dhaqaale lagu soo rogay dhamaan ganacsatada deegaanka marka lagareebo kooxo gaar ah oo ay xidhiidh ehelnimo iyo mid dhaqaale leeyihiin kooxda xukunka maroorsatay.
2-Shatiyada LC waxaa lasiiyaa cidii ku hayb ah ama qaraabo dhow la ah madaxa deegaanka soomalida.
3- Qandaraasyada dowlada waxaa lagu naas nuujiyaa kooxda madaxwaynaha Deegaanka.

Dhanka shaqo abuurka iyo waxbarashada.

Deegaanka waxaa wax lagu shaqaaleeyaa shuruudahan soo Socda oo ah kuwa ku xad gudbaya dhamaan shuruucda CPA wadankal. Dastuurka Itoobiya iyo mida xuquuqda aadanaha ba.

1- qoaladaa?
2- xaaskaaga qoladeeda?
3- Hooyadaa qoladeeda/

4- balwad maleedahay?
5- Madaxwaynahaa aad ma u jecesgahay?
6- Maamulka deegaan aad ma u amaantaa?

7- Dawladii Soomaliya ee kacaanka ma u soo shaqaysay
8- ONLF ma soo ahaan jirtay?
9- Reerkiini ma soo laysay.?
10- musuqaa xariifl ma ku tahay?
Tani waxay keentay in dhamaan dhaqaalaha deegaanku uu noqdo halqoys oo hoose iyo qaraabadooda.
Waxay keentay in meel walba lageeyo shaqaale aan u dhaqan deegaankaas oo laga ka soo jeeda beel qudha