Daawo: Wasiir ex Wasiir Waabari oo marku bila camal noqday afka furtay,sheegayn In Samsam Cabdi Aadan Necbayd Wasiirrada Ciise.

  

ex wasiir Cabdirisaaq Waaberi Rooble wasiirkii hore ee ciyaaraha xukumaddii Siilaanyo ayaa markii uu wareejinayay xilka wasaaradda sheegay in wasiirkii maaliyadda Samsam Cabdi Aadan necbayd wasiirradii ka soo jeeday beesha Ciise ee wasaaradda tagoogta ahayd ee ciyaaraha iskaga dambeeyay. Wasiirka hore oo arrintan hoosta ka xariiqayay waxaa uu sheegay in aanay Samsam necbayn wasaaradda iyo hawlaheeda laakiin, ay necbayd wasiirrada lana gashay dagaal dhinaca dhaqaalaha ah oo aanay miisaaniyadda u sii dayn jirin.