SAWIRO: MD Farmaajo oo dardaar muhiim ah siiyay Ciidamo tababar casri ah u helay dagaalka Shabaab.

Maxamed C/llaahi Farmaajo,madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo xidhay Ciidamo cusub kuwaasoo ka mid noqon doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan ayaa Muddo bilooyin ah waxaa uu tababar uga socday Saldhiga dowladda Turkiga ee ku yaalla Muqdisho.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Saldhigga, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Turkiga ee Muqdisho,Xildhibaano iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan Maanta tababar loo soo xidhay ayaa ah dabley, kuwaasoo uu Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in ay ka qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamada AMISOM ayaa waxay dagaal adag kula jiraan Al-Shabaab.