Warar Goos-goos ah iyo  Xaalada maanta ee Itoobiya

 

-Xisbiga EPRDF oo sheegay in ay ka aqbaleen is casilaadii uu afhayeenka Baarlamaanku Abadula Gemada weydiistay bishii October ii la soo dhaafay, oo ay xilligaas ka aqbali kari waayeen, sababo loo tirinayo quwada iyo isku duubnida ay la soo baxeen qowmiyada uu ka soo jeedo ee Oromadda & xisbigooda OPDO iyo siyaasada Itoobiya ee xilligan oo noqotay qori-qori ku taag.

Waxaa la filayaa in kalfadhiga ugu horreeya ee baarlamaanka loogu codayn doono afhayeen cusub, haddii ay baarlamaanku dhinac isu raacaan am isku aragti noqdaan.

– Maamulka 4ta Gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka Soomaalida ee xadka la leh Oromiya iyo kuwa Oromiya ee xadka la leh ayaa kulan la isugu yeedhay magaalada Raaso, halkaas oo ciidanka milatarigu ay labada deegaan ku amreen in wixii ciidan ah ay kala baxaan xuduudaha,

kana fogaadaan masaafo dheer oo ay u calaamadeeyeen, islamarkaana sidaas ay ciidanka militariga federaalka oo tiro badan si aad ahna u hubaysani ay kula wareegeen dhulka u dhexeeya deegaanadan, Deegaanka Soomaalida waxaa ka socday Cumar Rooti oo ku magacaaban madaxa siyasaada ee Xarunta dhexe ee XDSHSI.
– Dr. Negeri Lencho oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xaalada wadanku ay ka soo raynayso, jaamicadaha wadankuna ay billaabayaan waxbarashadiii.

– Cabdi Ilay oo saxaafada maxaliga ah la hadlayay ayaa shalay si aad ah baryootaan iyo tawaawac ugu muujiyay Oromadda, isaga oo ku tilmaamay tallaabooyinkii uu qaaatay kuwo xad gudub ku ah dastuurka wadanka aadna uga qoomameeyay, inkasta oo taasi aysan ka sarrifmaynin maanta, islamarkaana ay Itoobiya u haysato barakicinta in ka badan nus malyuun Oromo iyo Soomaali ah, taas oo sababa u noqotay in barlamaanka wadanku ay shaqo-joojin ku dhawaaqaan.

– Hogaaminta diimaha Itoobiya oo la hadlay shacabka ayaa shacabka u sheegay in ay deganaansho muujiyaan oo ay ilaaliyaan nabad kuwada noolaanshaha qowmiyadaha & shucuubta dalka, sida oo kalena dawlada waxay ugu baaqeen in ay si degdeg ah u soo saaraan go’aamo rasmi ah oo jawaabo cad ka bixinaya su’aalaha ay shacabku qabaan.
– Warar aan la hubin ayaa sheegaya in R/wasaare Haylemariam Desalign uu Barlamaanka hor imanayo gelinka dambe ee maalinta Salaasada ah, si uu jawaabo uga bixiyo su’aalaha baarlamaanka ee ku aadan xaalada cakiran ee wadanka ka jirta.

– Shirar joogto ah oo odayaasha loogu yeedhayo ayaa 2dii todobaad ee ugu dambaysay ka socda magaalada Jigjiga, shirarkan ayuu Cabdi Ilay odayaasha uu la kulmo hadalo kala gedisan ugu sheegayaa, kagana codsanayaa in ay garab istaagaan, taageeradoodana uu u baahan yahay maanta, isagoo leh wax kasta waan saxayaaye xaqiiqda ii sheega, oo intaad halkan iga amaantaan, markaad afaafka gaadhaan ha iga habaarina oo ha dhihina kii waallaa ayaa na haystay, sida oo kalena odayaasha ayaa u muuqda in sidii hore ay ka dhiiran yihiin.

Gaar ahaan waxaa Magaalada Jigjiga ku sugan Ugaas Mustafe iyo ganda khayraha beelweynta Ciise oo muddaba wax badan tirsanaysay, iyada oo la xusuusan yahay in bishii hore kulan ay ku yeesheen goob aan ka fogayn magaalada Garba-ciise (Gadh-mallu) oo ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed ee uu Cabdi Ilay ku wareejiyay maamulaka Canfarta, ku sheegay in deegaanka Soomaalida wax la kala jiraayi uusan jirin, sidaas darteedna ay dawlada federaalka ka codsanayaan in ay ka go’aan  mugleh deegaankaas ka gaadho.