SAWIRRO: Munaasabad lagu daah furayo Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabanayo

Wasiiru dowladalaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Cabdi raxmaan Kulmiye Xersi Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in Maalinta Beri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku guualysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hada gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in la rakibay dhamaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, shaqaalo badan loo tababaro iyadoo Madaxda dalka ay kasoo qeyb gali doonaan Munaasabada Daah furka.

Wasiiru dowladalaha ayaa sheegay in talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna wax badan ka bedeli doontaa Dhaqaalaha Soomaaliya.