Qarax Xeelad cusub loo adeegsaday oo Ciidanka Jabuuti ee AMISOM lagaga dilay Askari.

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay Qarax Ciidamada Jabuuti ee Qeybta AMISOM lagula eegtay duhurnimadii maanta degmada Buulburde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa ka dhacay banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Buulaburde, wakhti ay Diyaarad siday rakaab  ka duushay Garoonka, taasi oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee isla gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa la saaray geed dushiisa, geedka hoostiisana waxaa yaallay Gaardhi ay wateen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, sidaasi waxaa kula kacday Miinadii goobta la saaray.

Guddoomiyaha degmada Buulaburde Cabdi Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Askari AMISOM ah uu ku geeryooday Qaraxan, sidoo kalena uu ku dhaawacmay mid kale.

Isgaadhsiinta magaalada Buulaburde ayaa mudo saacado ah hawada ka maqneyd, inkastoo markii dambe ay dib u soo laabatay.

Ciidamadan Qaraxa lala beegsaday ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Ciidamo cusub, iyaga oo bedelay Ciidamo laba sano halkaasi ka howlgalayay, kuwaasi oo waqtiga hawl galku uu ka dhammaaday.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee degmada Buulaburde ayaa bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay Qaraxan Ciidamada lala eegtay.