War Farxad leh oo Sitti naga soo Gaadhay.

Wararka naga soo gaadhi qaybo ka mid ah gobolka Sitti ayaa sheegaya in wiilashii geel jiraha ahaa ee 3 todoobaad ka hor ay maleeshiyo hubaysan oo oroma ahi ka afduubeen degmadda Erer ee gobolka Sitti si bilaa shuruud ah lagu soo daayey iyagoo caafimaad qaba.
Wada hadal iyo dadaal muddo socday ka dib waxaa lagu guulaystay in wiilshi oo 4 wiil ahaa oo caafiimad qaba lagu soo ceshay qoysaskoogi,wararku waxay sheegayaan in geeli lala afduubay wiilsha aan wali la hayn meel la geeyey iyo cidda gacanta ku haysa intaba walina dadaal loogu jiro sidi geela loogu soo celin lahaa dadkii lahaa,
Dhalinta la afduubay oo hada la keenay magaalada Diri-dhaba laguna wareejiyey ugaas beesha ugaas Mustafe iyo qayb ka mid odey dhaqmeedka beesha ee loo yaqaan ganda khayraha ayaa arinta soo dayntooda waxaa qayb libaax ka qaaday odey dhaqmeedka iyo culumo awdiin u dhashay qowmiyadda Oromadda oo kacdoon xoogan kula jirta dawladda Itoobiya.
Waa markii koobaad ee taarridhda inta la xasuus karo ay Oromo dhaqan nuucan oo kale ah kula dhaqanto shacabka reer Sitti oo ay wadaagaan xuduud aad u dheer arintaan waxay na tusiin sidda ay xaaladda dalka Itoobiya u qasan tahay iyadoo la wada ogsoon yahay xasuuqi foosha xuma ee ay oromadu kula kacday dad Soomaali ah oo ku nool badhtamaha kililka Oromadda.