Daawo Sawirro: Rabshadaha Iran oo sii xoogeystay iyo tirada dadka ku waxyeeloobay oo sii kordhaysa.

  

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen banaanbaxyada rabshadaha isku rogay ee dalka Iran ka socday maalmahan sida uu talefishinka dowladda baahiyey.

Rabshadaha ayaa wali sii socda xili madaxweynaha dalkaas Xassan Ruuxaani uu ku baaqay degenaansho.

Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in rabshad aanan loo dulqaadan karin, balse waxa uu qirey in ay dadka xaq u leeyihiin inay ra’yigooda cabbiraan kana hadlaan dhibaatooyinka ay qabaan.

Banaanbaxyada ayaa socday habeenimadii, iyada oo ay booliiska isticmaaleen sunta dadka kaga ilmeysiiso iyo biyaha. Waxa ay inta badan ka dhaceen magaalooyinka dalka Iran.

Waxa ay ka biloowdeen magaalada labaad ee dalkaa ee Mashhad, waxayna noqonayaan kuwii ugu balaarnaa tan iyo sanadkii 2009-kii.

Illaalada kacaanka oo ku xidhan hoggaamiyaha sare ayaa u digay banaanbaxayaasha, waxayna sheegeen in aanan loo dulqaadan doonin wax rabshada ah, gacan bir ahna lagu qaban doono dadka wax burburinaya.

Wariyeyaasha ayaa kusoo waramaya in illaalada kacaanka ay soo dhexgaleen arrimaha ay ka dhigantahay in xaaladda ay faraha kasii baxayso.

Dowladda ayaa bilowday in ay qadka ka saarto baraha bulshada iyo adeegga internetka, waxaana jira in warbaahinta dowladda ay biloowday in ay tabiso muuqaalada la xidhiidha banaanbaxyada.

Banaanbaxyada ayaa ka dhashay sida la sheegay duruufo dhaqaale oo adag oo soo food saaray shacabka reer Iran, waxayna dadka dalbanayaan in awoodda laga xayuubiyo xukuumadda waddaada xagjirka ah ku xidhan.

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa ku baaqayay in lasoo celiyo boqortooyadii reer Shah, iyada oo wiil uu dhalay boqorka oo ku nool Maraykanka oo lagu magacaabo Reza Pahlavi uu soo saaray war murtiyeed uu ku taageerayo banaanbaxayaasha.