Trump ” Batooka(keebka) laga ridayo gantaalka Niyukliyerka ee miiska kuu saaraan mid ka weyn ayaa anigana ii saaraan.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Kuuriyada Waqooyi uga digay inuu haysto Niyukliyeer ka awood badan midka ay haytaan.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan sheegay mar uu u jawaabayey ogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong­un kaasoo sheegay in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowladda Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaadho guud ahaan dalka Maraykanka.

” Madaxweynaha Kuuriyada wuxuu sheegay in mar kasta uu miiska u saaraan yahay Batooka laga rido Gantaalka Niyukliyeerka, haloo sheego in anigana uu miiska ii saaraan yahay mid ka awood badan” ayuu yidhi Trump.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Isaga oo jeedinayay khudbadda sanadka cusub ayuu sheegay in batooka laga ridayo gantaalka hubka nuyuukleerka uu markasta ku dheganyahay miiskiisa, islamarkaasna uu riixi karo markasta uu baahdo amma uu doono.

Waxa uu intaas ku daray in gantaalada ay gaadhi karaan meel kasta oo Maraykanka ka mid ah.

Balse waxa uu Kim Maraykanka u fidiyay wax lagu tilmaamay caleemo qoyan, isaga oo soo jeediyay in ay wadahadalo furan galaan labada dal.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.

Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.