Boqolaal Somalilanders ah una badan dhalinyaro oo Baasaaboorka Xukuumada Federaalka ah ee Soomaalia saan dheer ugala Subax kasta Magaalada Garoowe iyo Duruufaha kugadaaman.

 

ugu yaraan  500 Dhalinyaro Maamulka Somalilandes ah ayaa Mudo 8 Bilood ah ku Xaniban Magaalada Garoowe ee Maamulka Goboleedka Soomaalia, Dhalinyarada ayaa ka kala tagay Deegaanada maamulka Somaliland guud ahaantood haguba badnaato Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, waxa ay halkaas kusuganyiin Modooyin kala duwan 6 Bilood ilaa Sannad inta udhaxaysay waxa ay halkaas u joogaan Helista Baasaaboorka Xukuumada Federaalka ah ee Soomaalia, oo halkaas laga bixiyo waxa ay Cadibaad kala kulmaan goobaha laga helo adeega bixinta Baasaaboorka mararka qaarkood waaba lagu waxyeleeya sida uu Somalilandlive Media ugu Waramay mid kamida Dhalinyarada halkaas joogtaa”

 

   

waa laguu diidayaa waxa ay ku odhanayaa orod oo Dalka Madaxa banaan eed Samaysateen Sharci haydin siiyo! Somalidiidyow, Isaaq Laan maxay Paasaboor idiinku Samayn wayday HadaloDhago hadal ah oo tiro bad ayaad Maqlaysaa markii aad halkan timaado waxa lagaa shubanayaa lacag gaadhaysay 1500$ ilaa 2000$ Cuntadaada iyo Hoteladii aad Degenayd ayaa kuudheer markii lacagta lagaa qaato cidiba wax kuu qaban mayso Anigu halkan waxa aan kusoo noqnoqayay mudo hada kusiman Sannad ilaa hadana waxba iigamay dhamaamin maalinkasta waxa imanaya Boqolaal Somaliland ah kuwaas oo iyana inta lacagta laga Xaraysto kusoo biira kuwii hore uu Suuqyada Garoowe dhex wareegayay Halkan walal Cadibaad badan ayaa kuhaysta dadka Somaliland kasoo jeeda ee Baasaaboorka Doonaya waxana runtii kuu muuqanaysa in bulshadeena indhaha iyo dhagahaba laga riday ood dhanwalba aynu maanta ku ciilanay in Maamul yar oo Reer Samaysay oo xataa aan lahayn Dawladnimo dhisan hadana umadeen ay Hoos tubantay habeen iyo maalin iyaga oo Baasaasboor kadoonaya waad kaxumaanaysaa walaahi marka aad aragto waxa halkan kasocoda ” Sidaas waxa Somalilandlive Media kusheegay mid kamida Dhalinyarada maamulka Somaliland ee Garoowe Baasaaboorka Soomaalia u doontay” Bulshada maamulka Somaliland ayaa ucadiban Baasaaboor la,aan waxana dadka Xanuunsanaya ama Waxbarasho debeda ugu baahda waxa lagu Qasbaa in ay Garoowe u safraan halkaas oo ah halka ugu dhow ee ay baasaasboorka Soomaalia ka qaadan karaan Wasiiro Xildhibaano iyo Masuuliyiin tiro badan oo iyana Xukuumada maamulka Somaliland kamida ayay duruuftani Saamaysay” Xaaladan ayaa kusoo beegantay wakhti ay Xukuumada Itiibiya joojisay in ay wax Visa ah saarto Baasaaboorka maamulka Somaliland waana dalkii udu danbeeyay ay Somaliland Baasaaboorkeedu kashaqaynayay, Xidhiidhka ay Beesha Caalamka Somaliland laleeday ayaa Xumaaday 7Sanno ay Dalka katalinaysay Xukumadii Siilaanyo.