Maxamed Cali Xagga Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga XFS oo sheegay in hub casi ah iyo qalab la siinayo ciidanka uu tababarayo Turkiga.

 Iyadoo ay jiraan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay tababar ku qaadanaya xerada uu Muqdisho ka dhisey Turkiga ayaa waxaa soconaya dadaalo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso sidii hub iyo qalab casri ah ay u heli lahaayeen.

Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaradda Difaaca ee  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saldhigga Turkiga ee Muqdisho uu tababar uga soconayo Ciidamo ka tirsan Dowladda, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray in haduu uu dhamaado la siin doono hub iyo qalab casri ah oo ay kula dagaalamaaan cadowga Soomaaliyeed ee Alshabaab mar uu u waramayay VOA.

”Ciidanka kuliyadda Turkigu noo dhisay lagu tababarayo waxaa uu isugu jiraa labo qeyb oo kala ah saraakiil iyo saraakiil ku xigeen, halka kuwo kalena laga soo uruuriyaya ciidanka qeybihiisa kaladuwan,saraakiishu weli hadda ayuu tababarka u socdaa, laakiin ciidankii kale ayaa qeybtii ugu horeysay qalinjebisay,kuwaana way daba socdaan,insha alaah,muhiimadda ugu weyn waa in ay noqdaan ciidamo isku dhafan oo tababaran”,Ayuu yidhi wasiiru Dowlaha gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata.

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka oo hada ku jirta xaalad in marwalba hadana ay diyaar u tahay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan, sidii baahiyahooda loo dabooli lahaa.

Maxamed Cali Xagaa ayaa intaasi ku daray in ciidamado ay horey u tababarnaayeen,balse la siinayo tababar ka sii horumarsan kii horey ay u heysteen,wuxuuna xusay in qofkasta tababar ku qaato kuliyadaasi qalabkiisa loo dhameystiri doono.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan tababara ugu soo xirey magaalada Muqdisho qeybtii ugu horeysay oo ciidanka lagu tababaray xerada uu dhisay Turkiga,isagoo madaxweynuhu uga mahadceliyay dowladda Turkigu dowrka ay ka qaadanayso tababarka ciidanka Soomaaliyeed.