Q.M Oo Laga Dalbaday In Kulan Deg Deg Ah Ka Yeelato Faragilinta Imaaraadka Ee Soomaalia

Qaramadda Midoobay Oo Laga Dalbaday In ay Kulan Deg Deg Ah Ka Yeelato Faragilinta Imaaraadka Ee Somalia

Kooxda madax banaan ee qaramada midoobay uqaabilsan dabagalka cunaqabeenta dhanka hubka ee Saaran soomaaliya ayaa warbixn ey soo saareen wax ey usoo jeedinyeen golaha amaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhaxeeysa in ay isugu yimaadaaan kulan deg deg ah oo ku saabsan waxa ay ku shageen fargalinta qaawan ee imaaraadku uu ku hayo soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Iimaaraadku faragalinta uu ku hayo soomaaliya ey karkaarada jabsatay, waxaana imaaraadka lagu eedeeyay inuu qarashaadka xoogan ku bixiyo siyaasadda gudaha ee soomaaliya si uu sameeyn ugu yeesho, uuna sidoo kale xariir xoogan la leeyahay siyaasin horay dalka xilal uga soo qabtay iyo kuwo hadda xilal hayo.

Hay’addan ayaa sidoo kale xustay in Iimaaraadka usoo  tafa xeeytay sidii uu uburburn lahaa dowladda hadda ka jirta Soomaaliya iyada oo warbixinta lagu sheegay in  ay arintan halis ku tahay jiritaanka iyo waliba dhaganaanshaha siyaasadeed iyo tan amni ee Soomaaliya.

Faragalintan Iimaaraadka lagu eedeeyay ayaa waxa uu si cad ugu hor imaanayaa qodobadii lagu dhisay Ururka Jimciyadda qurmaha ka dhaxeeysa sida warbixinta lagu sheegay.

Waxayna Guddigaan ay Golaha amaanka ugu baaqayn in ay si deg deg ah kulan uga yeeshaan kana soo saaraan go’aankooda ku aadan dhibaatada ka dhalatay faragilinta Imaaraadka ee Siyaasadda Soomaaliya

 Halkan ka akhri:-