Saldhigii Malatari Ee Imaaraadka Carabtu Ka Samaystay Eletariya Ayaa La Furay

Saldhigii melatariga ee ay imaaraadku ka samaysteen dalka Ereteria ee mar la la saxeexay qaacidada Berbera ayaa shalay la furay oo la geeyay ciidamo xoogan oo ka kooban masaari iyo imaaraati, oo wata tikniko aad u fara badan, qaacidadaa oo la magac baxday SAWA,, iyadoo isla markaa si deg deg ah lagu qabtay shir ay ku yeesheen abaanduulayaasha ciidamada Eretaria, Masar , imaaraadka iyo saraakiil ka socota jabhada ku kacsan dawlada dalka Suudaan, arintaasoo shaki wayn ku riday dawlada Suudaan, isla markaana ay Sudan heegan xoogan galisay ciidamadeedii, siiba gobolka KASALA ee xuduudka la leh dalka Eretaria,

Arintan qaacidada Eretaria ee la furay waxaa soo dadajiyay in ciidamo xoogan la geeyo iyo jabhad ka socota mucaarida dalka Suudaan , ka dib markii ay dawlada Suudaan xidhiidh xoogan la yeelatay dalka turkiga oo ay isku kacsan yihiin imaaraadka iyo masar iyo reer galbeedka, taasoo keentay in xidhiidhkii ay Suudaan la lahayd dalalka Suucidiga, Imaaraadka iyo Masar iyo reer galbeedku uu maanta marayo halkii ugu xumaa abid, ka dib markii ay dawlada Suudaan ay ku wareejisay dalka turkiga jaziirada SAWAAKIN oo aad ugu qiimo badan biyo mareenka bada cas taasoo ay Suudaan ku wareejisay dalka turkiga oo cadaw u arkaan masar, sucuudiga iyo imaaraadka iyo reer galbeedku, jaziirada SAWAAKIN oo u dhaw xuduudka ay Sudan la leedahay dalka masar, isla markaana ku beegan dekeda sucuudiga ugu qiimaha badan siiba waqtaga xashka ee Jeddah, isla markaana aan aad uga fogayn qaacidada SAWA ee Eretaria ee ay imaaraadka lagu magacaabo, halkaasoo uu turkigu kala socon karo dhaqdhaqaaqa ay samaynayaa ciidamadaa marya aloolka ah ee isti

cmaalaya qaacidadaa SAWA ee Eretaria ku taala, dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan ciidamada imraadka eek u sugan magaalda koonfur yaman ee Cadan, gacantana ku qaban karaan bada cas oo aduunka maanta aad qiimo waynu u leh, oo aanay ka maarmayn calaamku in ay dawlad kaliya ahi gacanta ku qabato, waayo jaziiradaa oo uu turkigu ku dhawaaqay inuu ka samayn doono qaacidad milatari oo u dhiganta SAWA, iyo ta berbera iyo ta Cadan ,,

Waxay sheegayaan wararka ka imanay dalka Sudan in ay dawlada Sudan aad uga cadhootay markay ogaatay in ay dawlada Masar wiigii in soo dhaafay ay ka cosatay dalka Ethopia in Sudan ka baxdo oo aanay qayb ka noqon wada hadalada ay wada yeelan doonaan dalka Ethopia iyo dalka Masar oo uu dhex dhexaadin doono baanka aduunka goob joogna ka noqon doono wada hadaladaa, wbiyaada hadaladaa oo lagaga hadli doono biyo xidheenka ay Ethopia ka samaysay wabiga Nile, oo hoos u dhigi kara qiyaastii ay Masar ka heli jirtay biyaha mara wabiga Nile,

Isku wada duuboo Sudan waxay mar qudha dhagax la wada beegsatay dhawr dawladoo oo mar qudha wada colaadiyay sida, Masar, Sucuudiga, Imaaraadka, Ereteria, iyo reer galbeedka, iyadoo dul dhigtay dalkii ugu awooda wayn islaamka suniga ah oo ah dalka Turkiga oo legden wayn kula jira reer galbeedka iyo waxay caga ku qaataan,,