XOG+SAWIRRO: Wasiirka cusub ee Arimaha Dibada Ma Furi doonaa Xaaska Ajnabiga ah ee la sheegay inuu qabo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa Baraha Bulshada si weyn ugu hadal haya sawiro hore looga qaaday wasiirka cusub ee arimaha dibada Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka ayaa waxaa sawirka kula jira Haweeney Ajnabi ah, taasoo la sheegay inuu qabo, waxaana arintan si weyn kaga faa’iideysanaya mucaaradka Ra’iisul wasaare Kheyre oo fashil ku tilmaamaya in talada qaranka qeyb uu ka noqdo nin qaba haweeney Ajnabi ah.

Sawiradan oo dadka qaarkii u arkaan  kuwa fadeexada ah oo inta badan dadka masuuliyiinta ah ay tahay inay uq qarsoonaadaan ayaa laga yaabaa inuu xili hore soo bandhigay Axmed Ciise Cawad, Xaqiiqooyin iyo Xogo qarsoon oo ku saabsan wasiirka waxaad goordhow kala socon doontaan War baahinta.

Waa kuwaan sawiradda Mugdiga galiyay mustaqbalka siyaasasdeed ee wasiirka cusub ee arimaha dibada

 

Axmed Ciise Cawad waa nin aqoonyahan oo darajo wanaagsan ka heysta dhinaca waxbarshada marka laga eego qibradisana waxay dad badan aaminsan yihiin inuu wax badan u qaban karo, waxaa uu dhashay 1955-tii, waxbasrahadiisa jaamacadeed heerka 1aad waxaa ka dhameeyay Concordia University Montreal, halka Master uu ka sameeyay Institute of Peace and security Studies ee Adis Ababa University, waxaa uu sidoo kale  PHD Candidate ka yahay Sudan University of Science and Technology, Khartoum.

Ambassador  Axmed Ciise Cawad, Waxaa uu ka soo shaqeeyay meel badan sida 2006-2015 waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan UN-ka isagoo ka shaqeeyay UNMIS iyo UNAMID oo kala ahaa Koofurka Suudaan iyo Darur.

2015-kii wixii ka dambeeyay waxaa uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

January 4, 2018, Waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.