Wax ka ogoow:-Liiska Wasiiraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya soo maray tan iyo 1960-kii.

Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Liiska Shaqsiyaadka soo qabtay xilka Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya tan iyo 1960 markii xuriyada aan qaadanay.

Axmed Ciise Cawad ayaa ah hadda Wasiirka Arrimaha dibadda isagoo maanta xilkaasi kala wareegay Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo muddo sanad kudhow xilkaasi hayay.