Afwerka Eritreea iyo Abdel-Fattah al-Sisi masar oo ku kulmay caasimada Qaahir.
Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaadhay caasimada dalka Masar ee Qaahira isagoo halkaas kula kulmi doona dhigiiisa dalka Masar Abdel-Fattah al-Sisi.
Afwerki oo booqashadiisu qaadan doonto muddo labo maalmood ah ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan al-Sisi xidhiidhka labada dhinac iyo arrimihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay wadamada uu maro wabiga Nile iyo weliba dalalka Geeska Afrika gaar ahaan wadamadda Itoobia iyo Suudaan.
Booqashada madaxweynaha Eritrea ee uu ku tegey dalka Masar oo ah tii shanaad ayaa ku soo beegantay xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay xadka Masar iyo Suudaan.
Xukuumada Khartoum ayaa ku eedeysay dowlada Qaahir inay taageerto mucaaradka ka soo horjeeda balse eedeynta ayaa waxaa ku gacan saydhay dowladda Masar.
Warbaahinta dalka Masar ayaa waxaa ay ku eedeeyay dowladda Suudaan inay raali ka tahay oo ay taageerayso dhismaha mashruuca biyo xireenka korontada loogaga dhalinayo wabiga Nile taasoo dowladda Itoobia ku howlan tahay.
Xukuumada Masar ayaa aaminsan in haddii mashruucan uu hirgalo uu hoos u dhac xoogan ku iman doono biyaha wabiga Nile oo nolosha shacabka Masar ku tiirsan yihiin.
Itoobia ayaa geesteedda ka wal-walsan xidhiidhka uu dhaxeeya masar iyo Eretrea Itoobia oo aaminsan in ay masar xeebaha Eretrea keentay gantaala meel fog ka gumaadda iyo diyaaraddaha dagaalka kuwaas oo ay Itoobia cabsi wayn ka qabto in lagu duqeeyo dhismaha wabiga Abay oo ay Itoobia dhaqaale fara badan ku bixisay.