Safarka Muusa Biixi iyo Rajadda shicibka reer Districk Sayalc?


Tan iyo markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in uu Muusa Biixi Cabdi ku guulaystay Doorashaaddi Maamulka Somaliland shacabka reer saylac way ogaayaan in uu Muusa booqashadda ugu Horeysa ee uu wadan kale ugu boqoolu doono ay noqon doonto jamhuuriyadda Jabuuti waayna dhacdday,Muusa wuxuu magaalada Hargeysa uga soo casar booqoolay qaab iyo hab aan odhan karno waxaa meela badan laga dheegtay qaabka uu madaxweynaha Jabuuti uga dhoofo magaalada jabuuti oo ay ka mid ahaayeen baabuurta gaashaamaan,ilaaladda,iyo wixii la mid ah.
Muusa wuxuu ku jid maraa waraaqaha dhalashadda dalka jabuuti oo sharciyaan marka laga duulu waa muwaadin reer jabuuti ah,wuxuu rakaab ahaan uu raacay diyaarad laga leeyahay isla dalka jabuuti ee loo yaqaan Air Jabuuti.
Booqashadda Muusa Bixii ee jabuuti iyo qaabkii loogu soo dhaweeyeey magaalada Jabuuti waxaa si xoog ah uu saluugay shacabka reer maamulka Somaliland maana markii koobaad ee ay reer Somaliland ka cawdaan qaabka ay dawladda Jabuuti ula macaamisho madaxda reer Hargeysa,
Muhiimadda ugu weyn ee booqashadda Muusa Bixii waxaa ay tahay in ay il gaar ah kula socdaan shacabka ku dulman maamulka Hargeysa ee reer Saylac oo ay isir ahaan isku dhalasho iyo dhiig yihiin shicibka reer Jabuuti,Muusa Bixii maaha oo qudha madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland ee wuxuu ka tirsan yahay amma ugu tun weyn yahay shaqsiyaaka lugta wayn ku leh dulmigga iyo dhul boobka 26 sanno jirsaday ee maamulkaas ku hayo dhulka iyo degaanadda beesha ciise gaar ahaan 6-da degmoo ee lagu sheego in ay dal-dalan yihiin.
aqligga suuban ee admigga ayaa marnaba ogolaanayn in uu Muusa Bixii uu Jabuuti ku yimaado booqashu dadka qaarkii ku sheegeen mid ka qota dheer mid siyaasaddeed oo ay ku macneeyeen mid seedi iyo gacalnimo oo kal iyo laab la isku uur taabtay, hadana in uu Muusa dadka ay gacalka iyo gacmaha yihiin uu mudadda inta leeg ka curyaashay wax walba oo uu bini,adam uu baahna sidda Biyaha,caafiimadka,iyo wax barasho ayaa ah mid aan meesha qaban.
Rajadda qudha ee ay reer Saylac ka sugayaan Muusa Bixii iyo dawladda Jabuuti oo ah xaqa iyo xaquuqdoodda la duudsiyay waxay ay tahay in wax walba ka hor in siyasaad ahaan districk Saylac lagu soo cesho siddi uu ahaa sannadkii 1960-kii ee uu Daahir Rayaale kaaga ciyaaray isagoo uu isticmaalay awood iyo dawladnimo uu muusa Bixii aasaaskeega qayb ku lahaa.
Docdda kale dadka qaar ayaa aaminsan in Muusa safarkiisa uu Jabuuti ku tagey ay tahay in si kama dambays ah beesha Muusa Bixii loogu xalaalayn lahaa hammigii ah in ay beesha Muusa Bixii yeelato Xeeb waxayna ku doodayaan in Muusa mar horabba bilaabay xod-xoddashadda qaar mid ah duqaydda degmooyinka 6-da ah uuna ugu balanqaaday in uu siin doono xilka wasiir ka mid ah golaha wasiiradda qaybta A ah ee Muusa soo magacaabay.
Gunti iyo gaba-gabaddi wakhti ayaa na bari doona talabadda uu Muusa ka qaado xasaradda ka aloosan barigga degmooyinka Lughaya.