Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Qatar oo cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Qaramada Midoobey

12. Januar 2018/in WARAR/NEWS /von admin

Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Sida uu baahiyay Telefishinka Al- Jazeera ee xaruntiisu tahay Doxa, Wakiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbiyay Golaha Ammaanka, isagoo sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku soo xadgudubtay Hawada Qatar.

Cabashadan ayaa waxaa gudbiyay Wakiilka joogtada Qatar u qaabilsan Qaramada Midoobey Alya Ahmed Al Thani, waxaana uu u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Waxaa uu ku eedeeyay Imaaraadka inay si cad ugu soo xadgudbeen dowladda Qatar, xuduudaheeda iyo amniga dhulkeeda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Fariinta Cabashada ee Qatar gudbisay ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay qaadi doonto wax walba oo lagama maarmaan ah, si ay u difaacdo hawadeeda, xuduudaheeda iyo amniga Qaranka.

Wakaalada Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA ayaa sheegtay in xadgudubka lagu sameeyay hawadooda ay dhacday 21-kii bishii December ee sanadkii hore 2017.

Horaantii bishii June ee sanadkii 2017, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Bahrain ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar, waxaana ay ku soo rogeen xayiraado ganacsi iyo in diyaaradaha Qatar aanay isticmaali karin hawadooda, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada, inkastoo dowladda Qatar ay beenisay eedeymahaas.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2018/01/qatar-only.jpg 285 177 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2018-01-12 10:33:462018-01-12 10:33:46Qatar oo cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Qaramada Midoobey

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

(Daawo Sawirro) Sida loo sugay amniga Madaxweyne Farmaajo markii uu marayey... Gantaal Qatar iibsatay ee kedisada ku noqotay khaliijka(Xoogaha Dahsoon)
Nach oben scrollen