SAWIRO: Diayaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkayo Gaalkacyo iyo MD Farmaajo oo ku sugan magaalada.

Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaadhay magaalada Gaalkacyo, Sawaxanka, Farxada iyo laab-qaboobida Shacabka reer Gaalkacayo ayaa kaliftay in ay dhamaan jidadka soo gala magaalada oo dhan ay xidhmaan.

Kolonyada Madaxweynaha ayaa wadooyinka oo dhan ku xidhmeen, Madaxweyne Farmaajana wuxuu dareemayaa farxada ay  u qabaan Shacabkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid u gacan qaaday shacabka u soo banaanbaxay,kuwaasoo aad ugu faraxsanaa imaanshaha madaxweynaha.

Diyaaradaha ciidamada Cirka oo lagu sheegey kuwa  Puntland iska leedahay ayaa sheedda sare kala socday wafdiga Madaxweynaha iyo Ammaanka oo dhan, waxaana la sugayaa si adag amniga magaalada Gaalkacayo.