(Daawo Sawirro) Dayuurad ka baxday wadadii ay ka duulaysay oo shil naxdin leh ku gashay Trabzon Airport

  

Dayuuradda ayaa ka baxday waddadii ay ku ordaysay, xili ay ka duuleysay garoon dayuuradeed oo ku yaalla magaalada Trabzon ee dalka Turkiga

dayuuradda ku sigatay inay afka hore la gasho ama gebi ahaanteed ku dhacdo badda.

Lama soo sheegin rakaab ama shaqaale wax ku noqday shilkaas. Waxaa loo malaynayaa in shilkan ay sababtay shimbir ku dhacday mid ka mid ah matoorada dayuuradda.

Shirkadda Pegasus ayaa waxay sheegtay in dayaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ay isaga kala gooshaysay magaalooyinka Ankara iyo Trabzon ee dalkaasi.

Dayuuraddan ayaa waxa soo gaadhay waxyeelo kala duwan waxaana haatan la qiimeynayaa iney mar kale shaqeyn karto iyo in howlgal laga dhigo waa markii koobaad ee shil noocaan oo kale ah soo maro taarrikdh dayuuraddaha dalka Turkiga.