SAWIRRO: Arin Layaab leh oo Dadka Muqdisho ay Maanta arkeen(Xoolo Gowracan oo wadooyinka Daadsan)

Saaka arroorti horee  ayay dadka ku nool Xaafad ka mid ah degmada Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku waabariisteen arrin ay aad ula yaabeen kadib markii ay arkeen Dhowr Neef oo qalan oo Wadooyinka daadsan.

Dadka ayaa markii ay saaka soo kaceyn waxa ay arkeen Wadooyinka qaar ee Xaafada Barmuudo degmada howl-Wadaag oo yalla dhowr Neef oo Ido ah oo inta la qalay laga tegay.

Sawirro laga soo qaaday oo la soo dhigay Baraha Bulshada ay isticmaasho ayaa muujinayay Idaha oo qalan amma la gowracay isla markaana laba laba la’isku agdhigay.

 

Ilaa iyo hadda macada cidda falkaan ka dambeysa maamulka degmada Howl-Wadaagna weli kama uusan hadlin.