Abdi Iley ama faaliye u tag amma Beelaha Gabooye Guur ku Waal waqtigii lagu xisaabin lahaa waa la joogaa.

 

Sida uu sheegay xubin EPRDF oo Gole  dhexe ah oo Xisbiga talada haya katirsan ayaa sheegay in EPRDF amar kasoo saartay In Qaar kamida Xisbiyada Deegaanada Dalka Lagu amray inay Xilka ka Dagaan Madaxweynayaasha iyo Gudoomiyayaasha xisbiyada iyo kuxigeenadooda taasoo xal looga dhigayo isbadal Siyaasadeed oo Dalka Lagu Dajin hayo maadaama kacdoono iyo Tabashooyin maamul xumo ay ka jirto 3 ismaamul Deegaan.

Deegaamada Sida Gaarka ah Farta loogu goday ayaa waxaa kamida

1. Tigreey
2. Soomaalida 
3. Canfarta

Sidoo kale Oromada ayaa iyada warbixintu ku Dareysaa Balse Waa Awod
EPRDF xoog siyaasadeed ku dhex leh

Deegaamadan ayaa lagu sheegay inay ka jirto Tacadiyo Cabudhin iyo Gumaad shacab oo kacdoon horleh keeni kara iyadoo wali lagu mashquulsan yahay xalinta Xiisada Kacdoon ee Oromiya

Cabdi ileey iyo Maxamed Rashiid Isaaq oo labaduba kala ah Madaxweynihii Ahna Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Iyo Sidoo kale Maxamed Rashiid isaaq ayuu labaduba sharcigan qabanhayaa

Cabdi ileey ayaa ka biyo diiday inuu labadaasi kursiba waayo si fududna ku wareejiyo xilka ,

Ismaamulka Tigreey ayaa fulisay Amarkii Kasoo baxay Xisibiga Dalka Ee EPRDF
Iyagoo xilkii kaqaaday Madaxweynihii iyo Gudomiyihii xisbiga iyo kuxigeenkiisa.

Balse cabdi ileey ayaa ka biyo diidsan xil wareejinta Amarka ah walow Gudoomiyaha Xisbigu siyaasada kusii jiri karo maadaama uu yahay Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Deegaanka

Balse cabdi ileey Awood kale oo u hareyso malaha Sidaas darteed ayuu Xaalad u abuurayaa iskuna dayayaa inuu Abuuro Kacdoon shacab iyo xiisad Colaadeed

Halka Dowlada Faderalku Wadahadalo heshiis kula jirtaa Ururka Onlf oo ka dagaalanta Gudaha Deegaanka
Iyaga qudhoodu waxay quud dareynhayaan kana biyo diidsan yihiin joogi taanka Cabdi ileey, shuruudahooda waxaa ka mida in cabdi ileey la eryo

Dawlada faderaalkuna waxay xal u aragtaa xil ka qaadista Cabdi ileey

Isku soo wada Duuboo cabdi ileey ayaa Durba shir iyo abaabul ku jira isla markaasina dhagaha ka fureystay Joojinta Shirka Raaso Walow la damacsan yahay in la baajiyo shirkaas sababo amaan awgiii

Dhanka kalena waxaa socda qaban qaabada shir baaxad weyn oo ah kii ugu balaadhnaa ee Qurbaha ka dhaca oo minisota laga qaban qaabin hayo kaasoo loogu magac daray Dulmidiid oo lagaga soo horjeedo dhibaatada Cabdi ileey

Dawlada Faderaalkuna way taageersan tahay Go’aamada Kasoo baxi doona shirkaasi insha alla