Maamulka Somaliland Oo Amray Dagaal Deg Deg ah Tukaraq, Jawab Kululna u Diray Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland kornayl Muuse Biixi Cabdi oo goor dhar shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan degaanada Gobalka Sool ee u dhaxeyso Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Mdaaxweyne kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa shegay in degaanka Tukaraq iyo degaanada kale ee ku dhaw Magaalada Laascaanod ay ka tirsan yihiin dhulka Somaliland isla markaana ciidmaada qaranka ay difaaci donaan dhulkoda.

Halkan Hoose Ka Daawo:

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Somaliland u jiro xaduud kala qeybiyo isla markaana Somaliland aysan duulaan ku aheyn dhul ka madax banaan Somaliland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa beesha caalamka ku wargaliyey in Dowlada dhexe ee Somaliya ay masuul ka noqon doonto wax walbo oo ka dhasho xiisada colaadeed ee ka taagan Gobalka Sool ee u dhaxeyso Puntland iyo Somaliland.