Dawladda Ingriiska oo dalka Soomaaliya ugu deeqday 21 Milyan oo gini.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Ingiriiska ayaa ku
dhawaaqay £21 Milyan oo lagu kordhinayo taageerada gargaarka
bani’aadamnimo si wax looga qabto khatarta abaarta ee sanadka 2018.
Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriisa ayaa u safartay Soomaaliya
Axaddii, 21 January si ay ula kulanto Dowladda Federaalka Soomaaliya, lahawlgalayaasha
caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah
Tani waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Ms. Mordaunt ay ku tagto
Soomaaliya ayadoo ah Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada
Ingiriiska.
Intii ay ku guda jirtay booqashadeeda Ms Mordaunt, waxa ay dhagaysatay sida ay
hay’adda UKaid u caawisay dadka ay saameysay abaartii darnayd ee Soomaaliya,
iyada oo bixinaysa biyo ay nafta ku badbaadsadaan, cunto iyo daryeel caafimaad;
Taageeradan ayaa gacan ka geysatay joojinta macluushii 2017, ayada oo
badbaadisay nolosha kummaanaan qof.
Wada-hawlgalayaasha caalamiga ah ayaa uga warbixiyay Ms Mordaunt xaaladaha
cimillada ee adag kana sii daraya ee uu waddanku sii wajahayo sanadka 2018-ka.
Heerka roobabkii la saadaaalinayay oo yar ayaa halis ku ah dalagyada iyo xoolaha,
Taas oo sababaysa in kala bar dadka Soomaaliyeed ay dareemaan baahi iyo halis
cudurro. Haddii aan la helin gargaar joogto ah iyo soo kabasho, waxaa jirta khatar
dhab ah oo macluul mustaqbalka dhow ah.
Ms Mordaunt, ayada oo ka wakiil ah dowladda UK waxay ku yaboohday £ 21 milyan
oo gini oo dheeraad ah si wax looga qabto ama looga jawaabo arrintaan. Tani waxay
taageeri doontaa gargaar naf-badbaadineed oo degdegga ah, oo ay ku jiraan:
 Baaritaan iyo daaweyn 130,000 oo carruur ah oo halis ugu jira nafaqo-xumo
ba’an oo khatar ku ah naftooda;
 Siinta taageero nafaqo ee in ka badan 300,000 qof oo dad nugul ah.
 Joogtaynta helitaanka biyo iyo nadaafad wanaagsan oo la siiyo in ka badan
155,000 oo qof;
 Cunto iyo taageero xagga nolosha ah oo loo fidiyo kudhowaad 40,000 oo qof;
 Ka Tallaalidda 12.5 milyan oo ari ah cudurrada neef-mareenka ku dhaca, oo
ka faa’iideysanayaan in ka badan 2 milyan oo xoolo-dhaqato ah.
Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ayaa tiri:
“Cawaaqibka xun ee abaarta Soomaaliya ayaa weli ah mid aad looga walaaco.
Ingiriiska ayaa hogaaminayey dadaalka caalamiga ah ee looga hortagayo
macluusha sannadkii hore, laakin dalku waxa uu wajahayaan xaalado dheeraad ah
oo adag sannadka 2018. Wali shaqada lama dhammaystirin.
“Waxaan aad u cadeeynayaa in tani aysan ahayn kaliya dhibaatada Soomaaliya –
Nabadda dunida oo dhan ayaa yar marka isbeddelka cimilada, xasillooni darrida iyo
saboolnimada aan la xallin, Taas oo sababaysa xagjirnimo iyo tahriib.
“Tani waa sababta shaqada aan halkan ka ahayno ay u tahay mid muhiim ah – Ka
soo billow askarta British-ka ah ee caawinaya si loo horumariyo ciidanka
Soomaaliya, ilaa Dibloomaasiyiinta heerka caalami ah ee gaarsiinaya dadka
mustaqbal nabad ah iyo shaqaalaha gargaarka ee bixinaya biyo iyo cunto nafo lagu
badbaadiyo. Taasina waa sababta bulshada caalamku ay sidoo kale ugu baahan
tahay in ay kor u qaaddo taageerada ay u fidiso Soomaaliya ka hor inta aaney dad
badan oo aan waxba galabsan dhimman. ”
Kulamadii ay la yeelatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, iyo Wasiirka
Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Ms Mordaunt waxay la wadaagtay
horumarka la gaaray wixii ka dambeeyay Shirkii London ee Soomaaliya ee sanadkii
hore. Ms Mordaunt waxay ku celisay sida ay uga go’an tahay UK in ay sii wadato la
shaqeynta Soomaaliya si ay wax uga qabato sababaha iyo cawaaqibta xasiloonidarrada,
waxayna carabka ku adkeysay muhiimada tallaabooyin dheeraad ah oo la
qaado sanadkan 2018.
Intii lagu jiray wadahadal ay la yeelatay bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday
ganacsatada, Ms Mordaunt ayaa sidoo kale ka hadashay habab looga qeyb galin
karo dhalinyarada, haweenka iyo kooxaha la faquuqo, oo ay ku jiraan dadka naafada
ah, dib u soo celinta dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Ogeysiisyada Tifaftirayaasha
 Sannadkii 2017, UK waxay hogaamisay jawaabta taageerada caalamiga ah
ee abaarta Soomaaliya, iyada bixisay biyo nadiif ah, cunto iyo daryeel
caafimaad si loo badbaadiyo nolosha kumanaan qof. Boqortooyada Ingiriisku
waxay bixisay deeq lacageed oo gaareysa 170 milyan, si looga hortago
macluusha. Arrintaas waxaa qeyb ka ahaa bixinta in ka badan 1 milyan oo qof
oo helaya biyo nadiif ah, iyo in ka badan 1.5 milyan oo qof oo la siinayo
gargaar cunto oo degdeg ah.
 Marka laga soo tago £21m oo ee ay ballan qaadday, £40m oo dheeraad ah
ayaa bixin doonaa sida la qorsheeyey sannadka 2018 si loo sii wado
dadaallada gargaarka iyo soo kabashada, taas oo wadarta lacagta la
yaboohay sanadka 2018 ka dhigaysa £61milyan, si looga jawaabo xaaladda.