Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Xoogaga Mucaarad ah oo la wareegay Xarumihii Dowlada Yemen ee magaalada Cadan.

29. Januar 2018/in WARAR/NEWS /von admin

Xooggag mucaarad ah oo ka soo horjeeda dowlada dibad jooga ah ee dalka Yemen ayaa la wareegay xarumihii dowlada ee magaalada Sanca kadib markii dagaal la galeen ciidamo daacad u ah Madaxweyne Hadi.

Ra’iisul Wasaaraha Yemen Axmed bin Daghar ayaa ku eedeeyey xooggagan gooni u goosadka ah inay abaabulayaan afgambi.

Magaalada Cadan ayaa waxa ay xarun kumeel gaadh ah u tahay dowlada Hadi halka ay mucaaradka Xuutiyiinta ay maamulaan magaalada caasimada ah ee Sanca.

Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xaaladaha murugsan ee ka jira dalka Yemen oo ay ku nool yihiin malaayiin ruux oo u baahan gargaar.

Xooggaga la wareegay maanta xarumaha dowlada ee magaalada Cadan ayaa taageerayay xukuumada Hadi, hase yeeshee waxaa ay ku eedeynayaan dowlada dalka Yemen inay musuqmaasuq iyo faquuqid ah ku hayso shacabka dalkeeda.

Dagaalka ayaa qarxay maanta kadib markii waqti ay xooggagan u qabteen Madaxweyne Hadi inuu shaqada ka eryo Ra’iisul wasaare Dagher iyo golihiisa wasiirada la dhaafay.

Kooxdan reer Koofureedka ah ayaa waxaa taageero siiya dowlada Imaaraadka Carabta oo ka mid ah isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee taageera dowlada Hadi ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta haysta caasimada Sanca iyo dhul kale. Balse kooxdan ayaa  doonaysa in dal gaar ah ay yeeshaan shacaba ku nool Koofurta Yemen kuwaasoo la midoobay Waqooyiga Yemen sanadii 1990kii.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha Yemen Dagher ayaa ugu baaqay dowlada Imaaraadka Carabta inay tallaabo qaato isagoo ka digey in dagaalka ka qarxay Koofurta Yemen uu faa’iido u yahay Xuutiyiinta. Madaxweyne Hadi oo saldhigiisu yahay Sacudi Carabiya ayaa ku baaqay xabad joojin aan weli hirgelin.

Dagaalada ka dhacay dalka Yemen ayaa sababay in dad kabadan 22 malyan ay ubaahdaan kaalmo iyadoo ay ka mid yihiin dadkaas 8.4 malyan oo gargaar deg-deg ah haddii aysan helin ay halis ugu jiraan macluul u dhiman karaan.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2016/08/War-deg-deg.png 170 297 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2018-01-29 01:32:102018-01-29 01:32:10Xoogaga Mucaarad ah oo la wareegay Xarumihii Dowlada Yemen ee magaalada Cadan.

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

DAAWO Hordhaca Shirkii Abid ugu balaadhnaa ee lagaga soo horjeedo Madaxwaynaha... Dhacdo yaable Baraf iyo Qaboow lagu arkay dalka Sacuudiga
Nach oben scrollen