Daawo: Dagaal dagaal faraha lagaga gubtay oo ka socda Yemen

Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacay dagaalo Qadhaadh iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay ay sii Xoogaysteen dagaalada iyo Xiisadaha ka taagan dalkaasi Yemen.

Shacabka dalkaasi ku dhaqan ayaa siwayn uga Qoomameeyay Ciidamo la sheegay inay ka Amar qaataan Imaaraadka Carabta, Sidoo kalana Waxaa sii Kordhaya Khasaaraha uu gaysanayo dagaalka ka socda dalkaasi yemen, Iyadoona dhowaan lagu dilay dalkaasi Madaxwaynihii hore ee Yemen Cali Cabdalle Saalax.

Awooda dalka yemen ayaa waxaa ku loomaya Xuutiyiinta iyo Xulufada ay Hogaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku.