Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Taliyaha Guud ee AMISOM Jen.Nuur Subagle oo xilka ka tagi doona.

30. Januar 2018/in WARAR/NEWS /von admin

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa la filayaa inuu dhowaan xilka wareejiyo, kaddib markii ay u dhamaatay mudada xil heyntiisa ee Hoggaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Jen. Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa xilka loo magacaabay July sanadkii 2016, waxaana uu xilligaas bedelay Jen, Jonathan Rono oo u dhashay dalka Kenya.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa la filayaa in dhowaan Taliye cusub soo magacaabaan, kaasoo ka imaanaya mid ka mid ah dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Jen. Subagle ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV waxaa uu ku sheegay inay socoto howsha xil wareejinta, isla markaana dhowaan uu xilka ku wareejin doono Taliye cusub.

Waxaa uu sheegay inuu rajo weyn ka qabay, in isagoo hayay xilka Taliska AMISOM in Al-Shabaab laga saaro Soomaaliya oo dhan, balse aanay suurta gelin.

Jen. Subagle ayaa sheegay in AMISOM aysan aheyn ciidan wax walba qaban kara oo ka awood badan Ciidamada Soomaaliya, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in ciidamada xoogga dalka ay is muujiyaan oo aanay kaliya ku tashan AMISOM.

Xilka Hoggaanka Ciidamada AMISOM ayaa ah meerto ama wareeg dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya inay taliye u soo diraan, waxaana markii uu waqtigiisa dhamaaday Jen. Jonathan Rono la filayay in Itoobiya ay Taliye cusub soo magacawday, hase ahaatee uu arrintaas ka dhashay khilaaf, taasoo markii dambe keentay in Taliye u dhashay dalka Jabuuti loo magacaabo xilka Taliyaha Guud ee AMISOM.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2018/01/Subagle.jpg 370 585 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2018-01-30 02:04:042018-01-30 02:04:04Taliyaha Guud ee AMISOM Jen.Nuur Subagle oo xilka ka tagi doona.

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Qosalka Aduunka iyo 93 kaftanka Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ...
Nach oben scrollen