Warbixin Xiiso Leh-Aqoonyahan Abdiraxmaan Abdilaahi Ismaaciil oo Hambalyo Iyo Dhiiri Galin U Direy Teleshanka Cusub Ee Bc24tv iyo Hawl Wadeenadiisa.

 

 

 

 

 

 

Bulshadu waxay horumar gaadhaa marka kor loo qaado adeegyada asaasiga ah ee Arimaha_Bulshada sida Cafimadka_waxbarashada_biyaha iwm,hadaba shacabka Sland waxay nasiib uyeesheen inay helaan abid TVgii ugu horeeyay ee ka hadla arimaha bulshada si daaha looga qaado wixii dhibaya shacabka gobonimada iyo samirka cuskaday una dhashay.
Hadaba cid kasta oo ka warhaysa xaalad khatar ku ah bulshada ama talooyin horumarineed fadlan fikirkaaga la wadaag oo kusoo bandhig TVga ku heelan arimaha bulshada ee aan rabbin war ku macaash ee

utaagan sidii uu shacabkiisa ula qaybsan lahaa aafooyinka hadheeyay hadafkiisuna yahay horumarka shacabkiisa ee BC24TV.
Waxan umahadnaqayaa ALLAH marlabaadna DHalinyarta keentay fikirkaa tolmoon ee umadu baahida weyn uqabtay,wakhtigoodii iyo cilmigoodiina galiyay sidii baahida shacabkooda iyo afkaarta horumarka leh ay ugu soo bandhigaan qarankooda iyo cidkastoo wax ka qaban kartaba, mahadnaqayga ugu danbeeyaa waa cidkastoo maalgalin iyo fikir ku tageertayba iyo cidkasta oo imika goaansatay garab istaaga iyo dhiirigalinta haldoorka DHalinyarta sanadkan.
Hadaba muwaadin adiguna garab istaag oo ukac sidii umada alle kugu dhex abuuray ugaadhi lahayd horumar soona booqo dagalka uu Tvgani ku leeyahay Youtube ee BC24TV fadlan subscribe tana ha ilaawin si aad ula socotid hadba arimaha bulshadaadu halkay marayaan, sidoo kalena booqo websiteka Tvgan www.BC24Tv.com .
Gunaanadkii qormadaydan waxan fikir,dhiirigalin iyo niyad wanaag la garab taagnahay dhalinyartan uheelan xalada shacabkeena inay inala socodsiiyaan, shacabkana waxa waajib ku ah inay si ka dhaw TVyada kale ula shaqeeyaan sababtoo ah BC24Tv wuxuu ku hadlaa afka shacabkeena, xogtay soo gudbiyaana ugudbisaan goobaha ku haboon wixii awoodaada ka baxsan

.
Masuuliyad culus baa idin saaran bahda BC24Tv ee waan idiin ducaynayaa allena garabkiina ha gallo noqda kuwa aanu ka dugsano Tvyadan soo shaqo tagay ee baahinaya wax kasta oo ay lacag ka helayaan.
Ugu danbayn aan xuso uheelanayaasha_Bulshada barbaarta BC24Tv:

-Suxufi Abdirashiid Caateeye,
-Cabdicasiis Cali Nuur,
-Mustafe Adhigabe,
-Abdirachid Faahiye,
-Diino Amiin Muuse ,

iyo dhamaan shaqaalahaba waxan idinku dhaafay shaqo wanaag iyo horumar marwalbana garabkiina naga EEGA!!!