Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Wasaaradda Boostada & Isgaadhsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaadhsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti.

6. Februar 2018/in WARAR/NEWS /von admin

Wasiirka Boostada, Isgaadhsiinta & Teknoolojiyada ayaa sheegay in wasaaraddu qabanqaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb galayaan shirkadaha isgaadhsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo looga xaajoon doono sida la isaga kaashan karo mashruuca xadhigga internetka ee Djibouti African Regional Express (DARE) oo ay fikraddiisa leedahay shirkadda Isgaadhsiinta ee Jabuuti.

Wasiirka oo hadalkan sheegay ka dib markii uu soo gabagabeeyay socdaal 2 maalmood qaatay oo u ku tagay dalka Jabuuti ayaa sheegay inay shirkan ka wada shaqeynayaan Wasaaradda Isgaadhsiinta ee dalka Jabuuti, ujeeddaduna tahay sidii looga arrinsan lahaa mashruuca DARE oo ah xadhig internet oo isku xidhaaya Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya Berbera, Boosaaso iyo Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ansixintii sharciga isgaadhsiinta iyo tirada xadhgaha internetka oo ku yar dalka, ay fursado iskaashi oo heer gobol ah u furayaan shirkadaha isgaadhsiinta Soomaalidda.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan wuxuu sidoo kale xusay in Boostada Soomaaliya ay billowday in warqadaha loo soo marsiiyo dalka Jabuuti, iyadoo labada bilood ee soo socotana la qorsheynayo in warqadaha baxaya ay sii maraan dalka Jabuuti.

Safarka wasiirka ayaa imanaya qiyaastii 6 bilood ka dib markii uu dhiggiisa Jabuuti, Mudane Abdi Youssouf Sougueh, la saxiixday heshiis ay labada wasaaradood isaga kaashanayaan arrimaha isgaarsiinta iyo boostada.

“Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo wasiirka isgaadhsiinta Jabuuti oo si wanaagsan noo soo dhoweeyay. Waxaana rajeyneynaa in marka ay Muqdisho noogu yimaadaan dhammaadka bisha dambe in aan go’aan ka wada gaadhi doonno arrimaha aan isku soo afgaranay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2018/02/wasarada-bosotada.jpg 768 1180 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2018-02-06 17:08:102018-02-06 17:08:10Wasaaradda Boostada & Isgaadhsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaadhsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti.

raadin

warki u dambeeyey

  • Al Fanaan maslax Middeeye oo si xirfadaysan uga hadlay heesti ruxdday quluubta ummadda islamka ah.
  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.
  • Sideed (8)Arimood Oo Trump Ka Sheegay Somalida Intii Uu Xilka Hayay.
  • Basaaska weyn ee reer Falastiin M Daxlaan oo lagu arkay geeska Afrika
  • Ismacil Cumar Gelle Oo Markii 5aad Musharax ah Iyo Mucaaradka Oo Ku Dhagan.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Israaiil oo duqeyn ka geysatay Masar, Madaxweynaha Masar oo raali ka ah!(ceeb... Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar oo ay Si Wayn Ugu Faa’iideen Iran...
Nach oben scrollen