Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar oo ay Si Wayn Ugu Faa’iideen Iran iyo USA.

6. Februar 2018/in Qormooyin/Articles /von admin

Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar ayaa ayaamahan danbe cirka isku shareertay ka dib markii labada dhinac ay isku maandhaafeen duullimaadyo diyaarado Milateri. Arrintan ayaa khatar gelinaysa danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanku ka leeyahay Khaliijka, waxana dhici karta in ay Iran fursaddan ka faa’idaysato.

Abu Dhabi waxa ay sheegtay in diyaaradaha ciidanka Cirka ee Qatar ay joojiyeen labo diyaaradood oo rayid ah oo Imaaraadka laga leeyahay, Dooxana waxa ay ku andacoonaysa in diyaarad Milateriga Imaaraadku leeyahay ay ku xadgudubtey hawadeeda. Labada waddan mid kasta waa uu iska fogeeyey eedaymahan.

Sare u kaca ku yimi xiisadda u dhexaysa labada waddan ayaa walaac ku beeray Washington, 7 bilood ka dib kolkii Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar ay cunaqabateeyeen Qatar iyaga oo ku eedaynaya inay taageerto isla markaana maalgeliso argagaxisada.

Dibloomaasi reer galbeed ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa yidhi “ Marka aad aragto diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Qatar oo ka agdhaw diyaarad rayid ah, waxa ay keeni kartaa shil sababi kara dhimasho dad, sidoo kalena horseedi kara xaalad aan hore looga arag waddamada Khalijka dhexdooda.”

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane James Mattis, waxa uu sheegay in xidhiidhka xumaaday ee xulafadiisa Khaliijku uu caqabad ku yahay dagaalka uu Maraykanku kula jiro Dawdaladda Islaamiga ah iyo “ka hortagga fididda saamaynta sunta ah ee Iran”.

Waddanka Iran waa uu cambaareeyey cunaqabataynta lagu soo rogey Qatar, waxa uuna ku baaqay in xiisadda lagu xalliyo wadahadal.

Khaliijku, istaraatijiyad ahaan waa u muhiim Maraykanka maaddaama oo uu saldhigyo Milateri ku leeyahay Baxrayn iyo Qatarba. Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee fariisinka ku leh Qatar ayaa yidhi “Maraykanku waxa uu Qatar iyo Imaaraadkaba u arkaa saaxiibbo muhiim ah oo uu gobolka ku leeyahay,” waxa uuna ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo iyada oo xal macquul ah la raadinayo.

Saldhigga uu Maraykanku ku leeyahay Qatar waxa uu door muhiim ah ciyaarayaa haddii [Maraykanku] uu dagaal la galo waddanka Iran oo uu ku eedeeyo inuu taageero argagixisada, halisna ku yahay xasiloonida iyo danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe. Iran, had iyo goor, waa ay iska fogaysaa eedaymahan.

Xifaaltan Gobolleed

Sacuudiga, oo ah waddan u badan Sunni, ayaa sidoo kale Iran u arka waddan halis ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida gobolka waxa uuna Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ee Shiicada u badan, u tixgeliyaa dalka ugu muhiimsan ee kula loolamaya gobolka.

Imaaraadkuna waxa uu u muuqdaa mid meel adag ka taagan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo ay Qatar gacan siiso marka waddamada qaar la joogo. Sidaasi awgeed, waxa uu damacsan yahay in uu Qatar ku ciqaabo taageeradeeda Ikhwaanul Muslimiinka iyo inay siyaasaddeedu ka madaxbannaan tahay waddamada kale ee Khaliijka.

Halista xiisadda Khaliijka

Xiisadda Khaliijku waxa ay halis ganacsi iyo mid amniba ku keeni kartaa reer Galbeedka.

Dibloomaasi kale oo reer Galbeed ah ayaa xusay in waddamada Khaliijka iyo Maraykanku ay sannado badan ahaayeen saaxibbo ganacsi iyo amni, kala qaybsanaantooduna—oo sababi karta dagaal toos ah—ay dan u tahay Iran, Maraykankuna aannu ka dheefayn wax aan khasaare ahayn.

Masuul Carab ah oo dalbaday inaan magaciisa la xusin ayaa hoosta ka xarriiqay in Imaaraadku, maaddaama oo ay Qatar ku loolamayaan gobolka, uu doonayo in cadaadis badan la saaro Qatar si loogu muujiyo in heshiis aan beryahan la gaarayn, cunaqabatayntuna aanay ciyaar ciyaar ku dhammaanayn.

“Sacuudiga iyo xulafadiisa kale cabsi weyn kama qabaan in xiisaddani ay saamayso dhaqaalahooda, Qatar ayaase ku dhibban” ayaa masuulku yidhi.

Aragtida Trump ee xiisadda Khaliijka

Trump waxa uu u muuqdaa in uu wax ka beddeley aragtidiisii ku aaddanayd Qatar.

Markii hore waa uu bogaadiyey cunaqabataynta, isaga oo Dooxa ku eedeeyey inay si weyn u maalgeliso argagaxisada. Laakiin bishii September ee sannadkii hore ayaa uu dhexdhexaadin u fideyey labada dhinac, isla bishanna waxa uu teleefan ku wacay Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim bin Xaamid Al-taani, si uu ugu mahadceliyo kuna ammaano dedaalladiisa argagaxiso la dirirka ah.

Isbeddelkan aragtiyeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu waddanka Qatar beryahan danbe martigelinayey falanqeeyayaal garabka midigta ka tirsan oo ka agdhaw Trump si ay u dheellitirto galaangalka iyo saamaynta Imaaraadka ee Washington.

Ugu danbayntii, xiisadda iyo khilaafka ka dhextaagan waddamada khaliijka wax dan ah uguma jirto Maraykanka, inay sii dheeraatana waxa ay fursad dahabi ah siinaysaa waddanka Iran oo uu Maraykanku u arko cadawgiisa. Iran, si degdeg ah ayay u cambaaraysay cunaqabataynta Qatar lala beegsaday, waxayna u soo gurmatey Qatar iyada oo diyaarado cunto sida u soo dirtay caasimadda Qatar. Wakhtigan la joogana, xiriir aan xumayn ayay la leedahay dalka Qatar.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2018/02/U-S-A-and-Iran.png 168 300 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2018-02-06 19:34:262018-02-06 19:34:26Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar oo ay Si Wayn Ugu Faa’iideen Iran iyo USA.

raadin

warki u dambeeyey

  • Dowladda ITOOBIYA oo war kasoo saartay xaaladda Ra’iisul Wasaare Dr, Abiy Ahmed.
  • Itoobiya Oo Masar ku Eedeysay Inay Xasilooni Darro ka Abuureyso Soomaaliya.
  • Ururkii ONLF oo Rayaale Xaamuud u Doortay Gudoomiye iyo qayb kale oo waxba kama jiraan ku sheegtay Doorashadda
  • Al Fanaan maslax Middeeye oo si xirfadaysan uga hadlay heesti ruxdday quluubta ummadda islamka ah.
  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Wasaaradda Boostada & Isgaadhsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaadhsiinta... Somaliland oo qorshe Ugub ah u dejisay maxaabiista ku xidhan Xabsiyada &...
Nach oben scrollen