Somaliland oo qorshe Ugub ah u dejisay maxaabiista ku xidhan Xabsiyada & Wasiir ka hadlay.

Maamulka Somaliland ayaa u qorsheynaya Maxaabiista ku jirta Xabsiyada Somaliland iney helaan adeegyada muhiimka u ah nolosha sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo waliba adeegyo kale.

Wasiirka Cadaaladda Maamulka SOMALILAND Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay iney qorsheynayaan howlo muhiim ah oo ay kaqabtaan xabsiyada ku yaalo deegaanada SOMALILAND gaar ahaan XABSIGA dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wuxuu sheegay Wasiir Caateeye iney hadda diyaariyeen iney dadka xidhan helaan adeegyada asaasiga u ah nolosha sida Waxbarashada oo muhiim u ah qofka bini-adamka ah.

Sidoo kale,Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda somaliland ayaa balan qaatay iney si wanaagsan ula dhaqmi doonaan maxaabiista,islamarkaana helaan xuquuqaad badan oo ay u baahan yihiin.

Halkaan Hoose Ka Daawo;