Cabdi Qarbid iyo ilma adeeraddi iyo Itoobiya oo sawiro hor dhac ah Magaalada Nairobi ku wada Galay.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka socda Kulan is arag hor dhac ah oo dhaxmaray  jabhada ONLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya,  Wada hadallada oo ahaa kuwo maalmihii aynu soo dhaafnayba u socday labada dhinac ayaa qodobadii leysku raacay waxaa ka mid ahaan in la qabto shirweyne laga soo wada qeyb-galo islamarkaana lagu dhameystiro wax lagu sheegey hishiis si rasmi u dhaxmara  ONLF ee nabada qaatay ????? iyo Dowladda Itoobiya kaasoo lagu balamay in lagu qabto dalka Itoobiya.

Wafdiga ka socday dhinaca Itoobiya oo ka koobnaa Mudane Abdi Qarbid(Iley), General Gabre Dilla,  General Damise, General Gabre

Wafdiga ka socday dhinaca jabhada ONLF Abdirahman Mahdi (Arimaha Dibada) Ahmed Yasin Dhiraane,
Cibaado Hirsi Mahad, Sulub Abdi Ahmed, 

 

Dhanka Dowlada Kenya Oo Ah mida dhigtay gogosha wada hadalka waxaa ka socoda Mudane Senator Yusuuf Haji, Governor Ali Bunow, Yusuf Hassan, waxaa kaloo goobjooge ka ah wada hadalka Mudane Sheekh Ibrahiim Abdula,

waxaan idin soo gudbin doonaa Qodabada shirka ka soo baxa wararka dambe hadii alle idmo

Kulanadda nuucan oo kale ah ayaa lagu bartay in ay yihiin kuwa soomaalidda u gaar ah oo aan adunka kale lagu aqoon maxaa yeelay kuma cadda waxaa laga wada hadli doono iyo sababti kolkii horaba loo dagaalamay waxayse dadka qaarkii u arkaan in kooxddi ONLF la rabo in garab laga soo faliidho ka dibna booska Cabdi Qarbid lagu badalo taas oo meesha ka saari doonto ujeedaddi mugdigga lahayd ee ay jabhadu hubka u qaadatay.

Geesta kalana waxaay kooxda ONLF iyo Liyuu Booliska oo xadhga hoosta uga xidhan yihiin garawsadeen kacdoonka beelaha Soomaaladdi ku diidan yihiin maamulka Cabdi Qarbid gaar ahaan reer Sitti iyo reer Jigjgga oo ay ONLF iyo Liyuu Boolisga Cabdi Qarbid ba il isku mid ah ku eegayeen kulamadda indha sarcaadka ah waa ciyaar cusub oo Cabdi qarbid lagu sii naaxin amma mid ka xun xilka loogu wareejin.