DAAWO: Halis laga dareemayo shacabka 6-Tuulo ee beesha ciise oo ay ku muransan yihiin Gobollada Maroodi Jeex,Awdal & Saaxil

Maamuulka Somaliland waxaa jira deegaano Lix Tuulo ah oo ku yaalo Waqooyiga magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa,waxaana deegaanadaasi oo taarrikiyaan ka tirsanaan jiray degmadda Saylac laamiin maanta ay ku muransanyihiin maamul ahaan Gobolada Maroodi Jeex,Awdal iyo Saaxil.

Balse xayiraadaasi  ayaa dadka dhulkaasi ku nool dhaxalsiisay iney waayaan xuquuq badan oo ay maamulka Somaliland ku lahaayeen,sida caafimaadka,Waxbarashada iyo Biyaha.

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney saameyn ku yeelatay muranka seddexda maamul,islamarkaana deegaanadaasi ay ka jiraan kala xirnaasho.

   Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka: