Wasiirada Cadaalada maamulka Somaliland Iyo dawladda Jabuuti Oo Kulmay.

Wasiirada Cadaalada Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kulmay

Wasiirada Cadaalada Maamulka Somaliland Iyo dawladda Jabuuti Oo Kulmay

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo wasiirka caddaaladda ahna ku simaha wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Mudane Muumin Axmed Sheekh ayaa ku kulmay magaalada Layo-caddo ee xadka maamulka Somaliland iyo dalka Jabuuti.

Wasiir Caateeye oo u tallaabay dhinaca Jabuuti ayuu halkaasi ku soo dhaweeyay wasiirka caddaaladda ahna ku simaha arrimaha gudaha halkaas oo ay kulan ku yeesheen labada wasiir.

Wasiir Caateeye ayaa maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayay gobollada dalka waxaanu dorraad dhagax dhigay xarunta maxkamadda iyo jeelka gobolka Salal oo laga dhisayo magaalada Saylac.

Wasiirada Cadaalada Somaliland Iyo Jabuuti Oo KulmayWasiirada Cadaalada Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kulmay