Maqaal Xiiso Leh Ka Bogo Taariikhda ku duugan Magaaladda Saylac ee Magaalo Madaxda Gobolka Salal.

 

 

 

 

 

 

waxaySaacadu ahayd 3:53 Habeenimo ( Pm ) Taariikhduna waxay ahayd 11/2/2018 markaan cagaha dhiganay Magaalada qadiimiga ah ee Saylac hawlaha shaqo ka sakaw waxaan isku dayay in aan qalinka u qaato Taariikhda ku duugan Gobolka Salal ee Magaalo Madaxdiisu tahay (Saylac)
Magaaladan Saylac ayaa Hargaysa u jirta wax ka badan 360 M . waana Jid raf ah waxaana gaadhi kara Gaadiid awood u leh hadii Alle yidhaa waxa ay Saylac Xuduud la lee dahay Jabuuti ,Itoobiya ,Yaman dhanka Koonfureed waxa ka xiga Itoobiya dhinaca Galbeed waxa Saylac ka xiga Jabuuti Waqooyina Yaman ayaa ka xigta waa Magaalo Kumanaan sanno Jirtay Siday Taariikhuhu qoreen

.Magaaladda Saylac Taariikhdeedu waxay gashaa 1400 ayay ka soo bilaabmaysaa siday ay sheegeen dadyawga Taariikhaha wax ka qoraa.Saylac waa Magaalo qadiimi ah oo ay xadaaraduhu ka bilaabmeen Saylac iyo Herer waxa u dhaxayn jiray Qalcad u dhaw Diridhaba Xadaaraddo badan baa isaga danbeeyay Saylac inta badan waxay u badnaayeen,Hindi iyo Carab ,kuwaas oo u joogay ganacsi sida Fooxa. Gobolku waxa uu can ku yahay Jasiirado badan waa ilaa Todoba Jasiiradood waxa kale oo ay caan ku tahay Qiblataynka oo ah Masjid laba qibla leh sida aad sawir ku aragtaan qibladii kale way duntay kolkii hore Qudus buu u jeeday kolkii Maka qibladda laga dhigayna xaga Makaa laga dhisay Masjid kale oo ay Cismaaniyiintu dhiseen baa jira kaas oo ilaa hada ay soo booqdaan

 

Boqortooyooyin badan ayaa soo maray Saylac waxaanay kala ahaayeen Boqrtooyadii
• Boqortooyadii Awdal
• Boqortooyadii Ifad
• Boqortooyadii Cismaaniyiinta
• Boqortooyadii ugu dambaysay oo ahayd Ingiriiska
Balse dhismaha ugu badan ee hadda sii taagan waxa ka dhisay Boqortooyadii Cismaaniyiinta
Wadamo badan oo Caalamka ka mid ah bay isku xidhi jirtay Magaalada Saylac waxa ka ganacsan jiray Doonyaha Hindiya ,Carabta,Shiinaha.
Saylac waxa lagaga hadli jiray ilaa 18 Af sidoo kale Saylac waxa soo maray Sahamiyayaal badan oo wax ka qoray Nin Ingiriis ahaa waxa uu ka qoray qarnigii 18oo Buug buugiisaas oo uu ugu magac daray (First foot Step in East Africa ) waxa kale oo wax ka qoray dhamaadkii qarnigii 7aad qoraaga la odhan jiray Yacquubi isaga oo sheegay inay wakhtigaa ahayd Magaalo wayn oo ay daganaayeen dad Soomaali ah oo Muslimiin u badan dad yawga wax ka qoray hadaad baadho
Waxa kale oo Saylac yimid Nin gaal ahaa waxaanu wax ku barty Sucuudiga Diinta Kiristaankana uu faafinayay waxaanu la baxay Cabdala waxa bartaas ugu yimid Sayid Maxamed Cabdala Xasan Sayidkaa fahmay oo ka caydhiyay waxaanu ku yidhi yaa Cabdala Tawakal Calalaa hadalkan ayaan ka qoray nin oday ahaa oo dadka Taariikhda wax ka qora ah
Dabeecadaha dadka Reer Saylac leeyihiin tusaale hadaynu usoo qaadano Qof Reer Saylaci hadduu tago Wadamada kale waxa uu odhan jiray Qof Reer Saylici ma dagan yahay xadaaradaas badana waxa ugu wacnayd qabyaalad la aanta iyo eraygaas ay ku midoobeen ee Saylici
Xagga Xeerarka Somaalida Dadyawga deegaanka dadyawga deegaanka ayaad odhan kartaa xaga Xeerka Somaalida aad ayay ugu adag yihiin dhaqan galkiisa waana Xeer soo jireen ah aad na can baxay
Dhinaca Ciyaaraha Saylac Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka can bay ku tahay taasoo ilaa wakhti xaadirkan laga Ciyaaro
Mucjisooyinka ay Magaaladda Saylac lee dahay waxa ku yaal dhismayaal gaboobay sida Dhakhtarka wayn oo la dhisay 1939
Waxa kale oo ka mid ah Mucjisooyin Saylac lee dahay Dameer iyo Ey toona ma joogo
Xaga dhaqaalaha waxay ka mid tahay waa Gobolka sadexaad ee dhaqaaluhu ka soo galo Gayiga Somaaliland taas oo ay kow ka tahay baabuurta Transit ka ah ee Jabuuti ka timaada taas oo laga helo Cashuur waxa kale oo jira Doonyo yar yar oo ay dhaqaalahu ka soo gali jareen Xaga Dekada balse wakhti xaadirkan ma jiraan oo way is taageen
Dhakhtar Dawladu dhistay ayaa jira balse Dhakhaatiiri ma joogaan waxaanay u baahan tahay inay Dawladu kaga shaqaysiiso oo ay qalabayso sidoo kale inay Ardayda Caafimaadka barata ee Gobolada kale la geeyo si uu Dhakhtarku u shaqeeyo maadaama ay baahiyaha aasaasigu ku jiraan
Waxa Magaaladda Saylac jira MCH yo iyo Kalisooyin Caafimaad taas oo Basha Casi gacanta ku hayso
Dhinaca Waxbarashadda waxa ka jira Dugsi Hoose dhexe iyo Dugsi Sare iyo laba madarasadood
Dugsiga sare waa Dugsi Boarding ah waxaana dhaqaalhiisa gacanta ku haya Urur Ramad oo ah (Local Organization) waxaanu dhaqaalaha ka helaa dadyawga dibada ee deegankan balse dhismaha Dawlada ayaa dhistay
Dugsiga waa Boarding Cuntadiisa Qalabayntisa Macalimiinta iyo Shaqaalaha Musharkooda waxa bixiya Ururka Ramad kaas oo ay iska kaashadeen dadyawgan deegaanka u dhashay khaas ahaan Qurba jooga waana wax lagu farxo una baahan inay dawladuna dhiiri galiso
Xaruntii Wasaaradda Waxbarshaduna dhismuhu waa ka dhisan yahay balse la horumariyo ayay u baahan tahay dhinacaa wax barashada
Mudadaa Afarta cisho ahayd waxa sheeko na dhex martay qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka Saylac taas oo aan wax ka waydiiyay Taariikhda uu Deegaankani iska lee yahay Kolka laga reebo Hawlahayagii shaqo ee aanu ugu kuur galaynay Xaalada Xabsiyada iyo arimaha Cadaaladda ee Dhinaca Galbeedka
Lasoco Qiraaladda kale wakhtiyada soo socda Insha Allah
W/Q Abdirahmaan Dubed Elmi